La-Taliyihii Ra'iisul Wasaare Khayre oo is-casilay [Akhri Sababta]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa maanta shaqadii uu ka hayey Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ka tegay Cabdulqaadir Cashir Nadara, kaasoo ahaa Lataliyaha dhanka warbaahinta ee xafiiska wasiirka koowaad ee Soomaaliya.

Is-casilaada Nadara oo aan si shaac-baxsan loogu dhawaaqin ayaa waxaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay illo wareedyo ka tirsan Xafiirka Khayre.

Waxay kaloo noo sheegeen dadkii aan la xiriirnay in Nadara uu gudbiyay maanta war-qadiisa is-tiqaalada islamarkaana uu Khayre ka gudoomay, kana aqbalay.

Sababta isku casilay Nadara ayaa la fahansan yahay inay tahay si uu ugu tartamo Kursi ka banaan Gollaha Shacabka, taasoo uu baneeyay Agaasimaha Hay’dda Nabad Sugida Xuseen Cismaan Xuseen, oo ay hal Qabiil kasoo wada jeedaan.

Doorashada oo deegaan doorashadeedu tahay Baydhabo ee xarunta KMG Koonfur Galbeed, ayaa waxaa la filayaa in Khayre uu ku taageero Nadaara, maadaama ay aad isugu dhow yihiin, ayna dooneyso xukuumada inay kobciso cududeeda Golaha Shacabka.

Cabdiqaadir Nadaara ayaa xilka lataliyaha War-faafinta ama Warbaahinta ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya loo magacaabay 5tii bishii sideedaad ee 2017, waxaana tan markii uu xilka qabtay ka dhaca xafiisa Khayre isbedal wayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM