La-Taliyihii Ra'iisul Wasaare Khayre oo is-casilay [Akhri Sababta]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa maanta shaqadii uu ka hayey Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ka tegay Cabdulqaadir Cashir Nadara, kaasoo ahaa Lataliyaha dhanka warbaahinta ee xafiiska wasiirka koowaad ee Soomaaliya.

Is-casilaada Nadara oo aan si shaac-baxsan loogu dhawaaqin ayaa waxaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay illo wareedyo ka tirsan Xafiirka Khayre.

Waxay kaloo noo sheegeen dadkii aan la xiriirnay in Nadara uu gudbiyay maanta war-qadiisa is-tiqaalada islamarkaana uu Khayre ka gudoomay, kana aqbalay.

Sababta isku casilay Nadara ayaa la fahansan yahay inay tahay si uu ugu tartamo Kursi ka banaan Gollaha Shacabka, taasoo uu baneeyay Agaasimaha Hay’dda Nabad Sugida Xuseen Cismaan Xuseen, oo ay hal Qabiil kasoo wada jeedaan.

Doorashada oo deegaan doorashadeedu tahay Baydhabo ee xarunta KMG Koonfur Galbeed, ayaa waxaa la filayaa in Khayre uu ku taageero Nadaara, maadaama ay aad isugu dhow yihiin, ayna dooneyso xukuumada inay kobciso cududeeda Golaha Shacabka.

Cabdiqaadir Nadaara ayaa xilka lataliyaha War-faafinta ama Warbaahinta ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya loo magacaabay 5tii bishii sideedaad ee 2017, waxaana tan markii uu xilka qabtay ka dhaca xafiisa Khayre isbedal wayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM