Laamaha amniga Soomaaliya oo xiray mas'uul damacsanaa is-qarxin

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hay'addaha nabad-gelyadda ee Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay mas'uul ka tirsanaa gobolka Banaadir oo qarax maleegayey, sidda uu shaaciyey gudoomiyaha.

Cumar Maxamuud Maxamed [Cumar Filish], duqa Duqa, ayaa shaaca ka qaadey in shaqsigaan uu "dambiga qirtay".

La tuhunsanaha ayaa ah agaasime waaxeed ka tirsan gobolka Banaadir kaasoo lagu qabtay baarintaanka lagu sameeyay ismiidaantii xarunta gobolka ee 24-ka bishii July ee sanadkan 2019-ka.

Falkaas argagixisinimo ayaa waxaa dhabarka saaratay xoogaga Al-Shabaab ayaa lagu dilay todoba agaasime, saddex gudoomiye degmo iyo duqii caasimadda marxuum Injineer Yariisow.

"Waxaa la sheegay oo hay'addaha ammaanku baaritaanka ku ogaadeen in mid kamid ah agaasimeyaasha uu is-qarxiyey," ayuu ku daray Filish oo dalka Koonfur Afrika kula hadlayey Jaaliyadda.

Haweenay magaceeda lagu sheegay Maryama oo Eng Yariisow u qaabilsaneyd dhanka taageerida dadka aragga la' [camoole ah] ayaa waxaa la wariyey in ay ka dambeysay mahadhadaas.

Cumar Filish ma uusan soo bandhigin magaca mas'uulka uu ka dhawaajiyey in la qabtay iyo talaabadda xigta.

Hadalka Filish ayaa xoojinaya warbixin dhowaan kasoo baxday Guddiga Khubarada UN-ka oo hoosta ka xariiqday in ururka xiriirka la leh Al-Qaacida ku dhex-milmay hay'adda dowladda.

Al-Shabaab ayaa magaaladda Muqdisho laga saarey 2011-ka balse waxay ka fulisaa falal liddi ku ah ammaanka oo isugu jira dilal qorsheysan iyo qaraxyo ay ku beegsato xarumaha dowladda federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM