Laba Al-Shabaab ahaa oo lagu xukumay dil toogasho

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamadda ciidamada Soomaaliya ayaa Arbacada maanta ah waxay xukun dil toogasho ah ku riday shaqsi oo lagu eedeeyay Al-Shabaabnimo iyo dilka askar ka tirsan ciidanka dowladda.

Xukumaneyaasha ayaa kala ah; Cumar Aadan Maxamed [Sakariye], oo ku dhashay tuulada Ceelbool oo hoostaga degmada Waajid ee gobolka Bakool, iyo Cabdulle Axmed Muudey [Cabdiwaaxid], oo ku dhashay degaanka Balidoogle oo ku dhow degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Sakariye iyo C/waaxid ayaa la qabtey 13-kii November, 2019 markii October iyo horaantii November ay dileen Cali Cabdulle Maxamed, askari xoogga dalka iyo C/llaahi Maxamed Hilowle, oo ilaalada degaanka kamid ahaa.

Maxkamadda Ciidamadda, oo dhageysiga kiiskan soo gabagabeysay 10-kii December, 2020, ayaa qoraal ay soo saartey ku sheegtay in sababtey waqtiga badan u qaatay galkan ay tahay in la daaweynayey C/waaxid.

C/waaxid ayaa ku dhaawacmay iska-hor-imaad ay kalkii lasoo qabanayey la galeen ciidamadda dharcada ee hay'adda sirdoonka Soomaaliya.

"Cidii aan ku qanacsaneyn xukunka waxaan u furan rafcaan," ayuu yiri Xasan Ali Nuur Shuute, gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamadda kaasoo ku dhawaaqay go'aanka kama dambeysta ah ee xeerbgeetadda soo saartey.

Bishii hore ee November 29-keeda ayay ahayd markii Dowladda Soomaaliya ay dil toogasho ku fulisay saddex dabley uu ku jiro Macalin Ilkacase kuwaasoo la wariyey in ay qirteen dilal ka dhacay caasimadda Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM