Laba Askari oo Mareykan ah oo Badda Soomaaliya Ku Maqan

Image

(GO)- Laba askari oo ka tirsan ciidamada badda Mareykanka ayaa lagu soo waramayaa inay ka maqan yihiin badda iyagoo howlgallo ka waday xeebaha Soomaaliya habeenkii Khamiista, sida uu sheegay milatariga Mareykanka qoraal ay soo saareen maalintii Jimcaha. Waxay intaas ku dareen in howlgallada baadi goobka iyo badbaadinta ay socdaan si loo helo labadaasi askari.

“Saraakiisha ayaa loo soo diray aagga howlgalka ee Ciidanka 5-aad ee Badda Mareykanka (C5F) si ay u taageeraan howlgallo kala duwan,” ayuu yiri Taliska Dhexe ee Mareykanka. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu daray in macluumaad dheeraad ah aan la heli doonin ilaa inta laga soo geba-gebeeynayo howlgalka soo celinta shaqaalaha.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM