Laba eedeymo halis ah uu Rooble u jeediyey Farmaajo

Image
Rooble iyo Farmaajo ayaa mar kale uu soo shaac-baxay khilaafkooda. [Photo: Garowe Online]

MUQDISHO, Soomaaliya – Kala aragti-duwanaanshiyaha sagxadda gaartey ee u dhaxeysa madaxweynaha waqtigu ka dhacay Farmaajo iyo ra’iisul wasaarihiisa xilgaarsiinta Rooble ayaa kalkan ka halis badan marka loo eego hal jeer oo horey isku qabteen.

Bishii August ee sanadkan 2021, labada mas’uul ayaa isku khilaaf socdaal wasiirka koowaad ku tagay caasimada Kenya ee Nairobi. Farmaajo wuxuu ku fashilmay isku day uu doonayay in uu doonayey in ay safarkaas kaga hor-istaago madaxa xukuumada.

Hase ahaatee, xiisadda ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil Faarax ayaa u muuqata in ay ka khatar badan tahay marka loo eego sidda qadiyadan ay u indhaha ugu hayaaan shacabka iyo siyaasiyiinta mucaaradka oo u ololeynaya in maxkamad lagu soo afjaro.

Rooble ayaa qudhiisa wuxuu si furan u caddeeyay sida uu u doonayo in kiiskan uu noqdo mid ay cadaalad helaan qoyska Ikraan isaga oo aan la gamban eedeymaha uu u jeedinayo Farmaajo.

Hadaba, warbixin wuxuu warsidaha Garowe Online ku eegayaa laba eedeymo culus oo ilaa haatan uu Rooble u jeediyo madaxweynihii magacaabay.

Carqaladeynta baaritaanka

Farmaajo ayaa xasaanad siiyey dhamaan shaqsiyaadka "lagu tuhmayo kiiska Ikraan," sida uu sheegay mucaaradka oo "eedeysaneyaasha" ku qeexay Fahad Yaasiin Daahir, lataliyaha amniga qaranka, Yaasiin Farey, taliyihii sirdoonka gobolka Banaadir, iyo Kulane Kiis, madaxa siyaasada iyo amniga NISA.

Rooble ayaa talaabadda Farmaajo wuxuu ku qeexay mid carqalad ku ah baaritaanka kiiska oo lagu wareejiyey xeer-ilaalinta maxkamada ciidamadda taasoo qabatay dacwadda qoyska haweenayda.

Dib ula wareegida maamulka

Bishii May isaga oo ka hadlaya Golaha Shacabka, madaxweynihii hore Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in uu maamulka iyo amniga doorashada ku wareejiyay ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble markii uu ka laabtey muddo kororsigii dalka halis u geliyey colaad sokeeye markii dagaal uu ka dhacay Muqdisho.

Rooble ayaa talaabooyinkii ugu dambeeyay ee Farmaajo qaadey markii ay isku khilaafeen maareynta kiiska Ikraan wuxuu ku sifeeyay isku day uu ku doonayo in uu dib ula wareego maamulka iyo ammaanka doorashooyinka heer federal.

Eedeymahan oo Madaxtooyada Soomaaliya aysan wali si rasmi ah uga jawaabin ayaa loo arkaa in ay yihiin kuwa halis ah oo ka hor-imaanaya dastuurka ku meelgaarka ah ee qaranka iyo shuruucda kale ee u dagsan waddanka laguna maxkamadeyn karo cidda ku lugta leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM