Labada aqal ee BF Soomaaliya oo codsi u diray xukuumada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Gudoonka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xukuumadda dhexe ka codsaday in ay u soo gudbiso xeer-dejinta xubnaha Golaha Adeega Garsoorka si ay ansixiyaan.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi, afhayeenka Aqalka Sarre oo ka hadlay furitaanka kalfadhiga 7aad ee labada gole, ayaa sheegay in helitaanka Golaha Adeega Garsoorka ay muhiim u tahay hanaanka cadaalada.

Sidoo kale, gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa wuxuu carabka ku dhuftay in ay lama huraan u tahay dhismaha Maxkamadda Dastuuriga.

Sidda uu xeerinayo Dastuurka qabyadda ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Golaha Adeega Garsoorka ayaa ka kooban sagaal xubnood.

Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, afhayeenka Golaha Shacabka oo isana ka hadlay madasha, ayaa xoojiyey soo gudbinta xubnahaan si lamid ah Gudiga Xuquuqda Aadanaha oo dhanka xukuumadda ka imaanaya.

Dhanka kale, Cabdi Xaashi ayaa intii uu hadal-jeedinta ku guda jiray wuxuu ka dhawaajiyey in ay u socdaan qorsheyaal ay dib-u-eegis ugu sameynayaan habka fadhiyadda ay yeeshaan cudurka Covid-19 dartiis.

Inkasta oo uusan tafaasiil ka bixin qaabka cusub oo ay qorsheynayaan, maalmaha soo aadan ayuu tibaaxay in ay ka leeyihiin kulamo.

Coronavirus ayaa muddo bil ah wuxuu dib u dhac ku keenay kulamadda labadda gole ee baarlamaanka Soomaaliya oo fasax galay. Kiisaskiisa laga xaqiijiyey guud ahaan waddanka waxay ka badan yihiin laba kun.

Kalfadhiga 7aad ee maanta uu daah-furay madaxweyne Farmaajo oo buuq hareeyay waxaa horyaala ajendayaal masiiri ah, oo ay kamid yihiin sharciga doorashooyinka sanadka 2020-21 iyo metelaada siyaasadeed ee Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM