Labada waji ee shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed

Image
Image
Image
Image
Wadahadalada ayaa Talaadada maanta ah waxay si rasmi ah uga bilowdeen magaalada Baydhabo.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Shirka dib-u-heshiisiinta maamulka Koonfur Galbeed ayaa Talaadada maanta ah waxa uu ka bilowday magaala madaxda ku meelgaarka ah ee dowlad goboleedkan ee Baydhabo.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur, madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen iyo mas'uuliyiin kale ayaa  ka qeyb galay xaflada furitaanka.

Aadan Madoobe ayaa tibaaxay in shirka uu leeyahay laba waji; kan koowaadna diirada la saarayo xalinta tabashooyinka, kan labaadna looga doodi doono mustaqbalka siyaasadeed ee Koonfur Galbeed.

Laftagareen oo jeediyey kalmadii ugu horeysay ayaa xaqiijiyey in Koonfur Galbeed ay u kaliya u jirto qalfoof ahaan balse inta badan degaanada kale ay gacanta ku hayso kooxda Al-Shabaab.

"Waxa la isku haysto waxaa waaye laba nin oo timo aan lahayn oo shanlo isku-dagaalaayo," ayuu ka dhawaajiyay isaga oo u muuqda mid ku baaqaya in ahmiyad la siiyo xoreynta degaanada kale.

Xasan Sheekh oo ku dadaalay in uu qaayo mowqif dhexdhexaadnimo ah iyo in uu iska ilaaliyo erayo xanaf leh ayaa darafyada is-haya ku waaniyaya dhowrida xuquuqda muwaadinka iyo nabad-gelyadda.

"Nin saaxiibkey ayaa i waydiiyey waagii aad mucaaradka ahayd Badbaado Qaran waa tii aad sameyseen maxaa Badbaada Koonfur Galbeed hoos ugu dhigaysaa; Laba arrimood ayay ku kala duwan yihiin," ayuu ku sharaxay.

Sida laga soo xigtey Xasan Sheekh, farqiga u dhaxeeya waa in maamulkii Farmaajo uu diidey wadahadal lagala galo muddo kororsiga labada sano balse Laftagareen uu furay masraxa uuna aqbalay gorgortan iyo wadaxaajood.

Laftagareen ayaa kamid ahaa saaxiibada aadka ugu dhowaa maamulkii Farmaajo waxaana muuqata in uu ku dhaqmayo waayo-aragnimadii uu ka qaatay sida loola dagaalamay madaxwaynihii hore uuna dheelayo shax cusub.

Hanaanka ay Villa Soomaaliya u maareyso dooda muddo kororsiga Koonfur Galbeed ayaa jiheyn doonta masiirka madaxda dowlad goboleedyada kale ee ku darsiga sameysatay si gaar ah Jubaland iyo Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo Saraakiil Ciidan kula shiray Baydhabo

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:55AM

Dowladda oo billowday bixinta kaararka codbixinta doorashada xili uu jira khilaaf

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku adkaystay in doorashadu ay dhici doonto waqtigeeda.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:04AM