Lacag loogu deeqay Soomaaliya oo dood ka abuurtay Turkiga

Image
Lixdii sano ee la soo dhaafay, Ankara ayaa lagu waramay in ay ku maalgashadey Soomaaliya $117 milyan. [Photo File: Internet]

ANKARA, Turkey - Taageero maaliyadeed oo dhan 30 milyan oo doollar oo Turkiga Khamiistii shaaca ka dhigay in uu ku caawinayo Soomaaliya ayaa hadalheyn iyo dhaleeceyn xooggan ka abuuray gudaha dalkaas.

Tani ayaa daba socota soo shaac bixitaankii dhowaan ee ahayd in Turkigu uusan haysan diyaaraddo dab-damis ee lagula dagaalamayo dabka ba'an ee ka kacay xeebaha Aegean iyo Mediterranean.

Lacagta ay Ankara ugu deeqday waddanka Afrika ee dagaalladu halakeeyeen, oo bil walba lagu bixin doono 2.5 milyan oo doollar, ayaa loo adeegsan doonaa "maalgelinta miisaaniyadda iyo dhisidda awoodda caalamiga ah". Waxay qeyb ka tahay heshiis ay labada dal kala saxiixdeen bishii hore.

"Wadar ahaan lix diyaaradood oo dab-demis ah ayaa lagu iibsan karaan lacagtan," ayuu yiri Alpay Antmen oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ee Republican-ka oo ah kan ugu weyn waddanka Turkiga.

Qaar kale ayaa waxay soo dhaweeyeen deeqdan ayaga oo ku sifeeyay in ay tahay kaalmo muhiim u ah dal la il daran colaado, macaluul, abaaro iyo xaalado kale oo dhinaca bini'aadanimadda ah.

Cabdirashiid Xaashi, wasiirkii hore iyo agaasimihii hore ee Machadka Heritage ee Daraasaadka Siyaasadda, ayaa sheegay in inta badan kheyraadka qaranka ee dalka la geliyo meelaha mudnaanta leh, sidaas darteedna maalgelinta istaraatiijiyadeed ay dhaqaale looga baahan tahay dibadda.

Lixdii sano ee la soo dhaafay, Turkigu wuxuu ku maalgashadey Soomaaliya $117 milyan. Sanadkii la soo dhaafay, iyada oo ay jirto masiibada iyo hoos u dhaca dhaqaale ee ka dhashay Covid-19, Turkigu wuxuu gacan ka geystay deyn-cafinta Soomaaliya isagoo ballan qaaday ilaa $ 2.4 milyan. Wuxuu kamid ahaa 116 dal oo gacan ka geystay deyn cafinta.

Turkiga ayaa la rumeysan yahay in uu u arko dib-u-soo-celinta maalgashigiisii ​​Soomaaliya talaabo qaab mug weyn oo faa'iido u ah cilaaqaad dhinaca ganacsiga oo dhexmara ama ay yeeshaan labada dal.

Sanadkii la soo dhaafay, shirkad Turki ah laguna magacaabo FAVORI ayaa saxiixday qandaraas 14 sano ah oo lagu maamulayo laguna hagaajinayo dekedda caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Intaas waxaa ka wehlisa, Soomaaliya waxay sidoo kale kaalmo ka heshaa xukuumada Ankara, gaar ahaan mashaariicda horumarinta iyo arrimaha bulshada, iyadoo loo marinayo Wakaaladda Iskaashiga iyo Xiriirinta ee Turkiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jawiga uu maanta ku furmay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey furitaanka kulankan isha lagu hayo.

  • Soomaliya

    14-05-2024

  • 03:59PM

Imaaraadka Carabta oo qaatay gaadiid ka yaallay xerada Jeneraal Gordan

Baabuurtan qaarkood duugowday ayaa laga baqay in ay u gacan-galaan dagaalameyaasha Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    14-05-2024

  • 04:27AM