"Lacagta ku baxeysa" doorashooyinka Soomaaliya 2020-21 oo la shaaciyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay u gudbiyey qiyaasta lacagta ku bixi karta cod-bixinta sanadka 2020-21.

Inkastoo aan wali lagu heshiin coddeynta sanadka dambe, haddana dowladdu waxay ku adkeysaneysaa in ay qaban doonto.

Wargeyska The Article ayaa guddoomiyaha guddiga kasoo xigtay in ay golaha u sheegtay in loo baahan yahay maalingelin dhan aduun lacageed 53 milyan oo Doolar.

Faalada jaraa'idka oo Talaadada maanta ah la daabacay ayaa waxaa ciwaan looga dhigay "doorashooyinka Soomaaliya ee hubanti ahaan aan dhici karin".

Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed, mid kamid ah xubnaha mucaaradka oo u waramay isla joornaalka, ayaa wuxuu ka falceliyey dalabka lacagta.

Arrimaha la xusay in ay saameyn karaan doorashooyinka waxaa kamid ah; ammaanka, khilaafka dowlada iyo maamulada si lamid ah dastuurka oo aan la dhameystiran.

Mudanaha oo hadalkiisa sii wata ayaa tibaaxay in xukuumadda federaalka aysan wali helin in ku dhow lacagta ay codsatay.

Tani ayaa caqabad kale ku noqon karta doorashooyinka, iyadoo waqtiga uu sii dhamaanaya isla markaana mucaaradka uu ka digayo muddo kororsi ay sameystaan madaxda talada haysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM