Lacagta laga qaaday Murashaxiinta KG oo la ogaadey halka lagu bixinayo

Image
Image
Image
Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Guddiga doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed ayaa soo gabagabeeyay diiwaan-gelinta murashaxiinta isku soo taagey qabashada xilka Madaxweynaha.

Illaa hadda Lix musharax oo ay kamid yihiin Mukhtaar Roobow, hogaamiye ku xigeenkii hore ee Al-Shabaab iyo Cabdicasiis Lafta-Gareen, wasiirkii hore ee Biyaha iyo Tamarta Soomaaliya, sida laga soo xigtay Guddiga qaban-qaabada doorashada.

Murashax walba oo kamid ah lixdan waxaa laga qaaday lacag dhan 22-kun oo dollar-ka Mareykanka ah, iyaddoo aanay ku jirin haweeney, maadaama dumarka loo qoon-deeyay in laga qaado 10-kun oo dollar.

Xubnaha diiwaanka isku qoray waxaa ugu caansan; Mukhtaar Roobow, Xuseen Calool Kuus, Aadan Saran-soor, Cabdicasiis Lafta-gareen, iyo murashaxiin kale, kuwaasi oo uu damac kaga jiro jagada ugu sareysa Koonfur Galbeed.

Wadarta guud ee haatan ku jirta gacanta Guddiga doorashadda waxay gaareysaa 132-kun oo Dollar-ka Mareykanka.

Xoghayaha Guddiga doorashadda dowlad goboleedkan, mudane Nuur Cismaan Ibraahim ayaa wax laga waydiiyay qorshahooda ku aadan lacagtani iyo shaqooyinka uu Guddiga u adeegsan doono.

Ibraahim ayaa daboolka ka qaaday in lacagta lagu qarash-gareyn doono howl-maalmeedka Guddiga, mushaarka shaqaalaha cusub oo ay qaadanayaan maalinta coddeynta iyo howlo kale oo Guddigu khuseeyo.

“Maya…ma dhici doonto,” ayuu ku jawaabay markii la waydiiyay hadii ay doorashada ka dhici karto musuq-maasuq ama wax isdabamarin, iyo hadii ay suurtaga tahay in lagu tagri falo lacagtani.

Ugu dambeyntii, Xoghaye Nuur ayaa ugu baaqay shacabka iyo siyaasiyiinta inay ku kalsoonaadaan Guddiga doorashadda, isaga oo carabka ku adkeeyay inay ka go’an tahay inay doorashada u qabtaan si xalaal iyo cadaalad ah.

Doorashadda Koonfur Galbeed oo loo mudeeyay 5-ta bisha December ee sanadkaan 2018 ayaa sida iska cad waxaa ku loolamaya mucaaradka dowlada haatan jirta iyo Villa Somalia oo murashaxiin kala wata.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM