Lafta Gareen oo joojiyay Kulan Xisbiga Xasan Sheekh ku qaban lahaa Baydhabo

Image

BAYDHABO, Somalia - Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa joojiyay kulan aqoon is-waydaarsi ah, oo uu Xisbiga Siyaasadeed ee Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee Somalia maanta ku qaban lahaa Baydhabo.

Senator Xuseen Sheekh Maxamuud, oo katirsan Aqalka Sare ee Somalia, ayaa raali-gelin ka siiyay shacabk reer Baydhabo baaqashada kulanka galabka ka dhici laha Hotel-ka Horyaal.

Mowduuca Aqoon Is-waydaarsiga oo cinwaankeedu ahaa "Nidaamka Xisbiyadda badan iyo Taariikhda Xisbiyadii hore" ayaa la joojiyay, iyadoo aan maamulka Koonfur Galbeed uusan fahfaahin ka bixin sababta ka dambeysa tallaabadan.

Tani ayaa qeyb ka ah ololaha Villa Somalia ay ku beegsanayso siyaasiyiinta iyo xisbiyadda ka feker duwan, iyadoo maalmo kahor ay C/raxmaan Cabdishakuur, laga joojiyay Siminar uu ku qaban lahaa Hotel-ka Makka Al-Mukarama ee Muqdisho.

Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka ayaa dhawaan looga dhawaaqay Muqdisho, iyadoo ay ku midoobeen Siyaasiyiin, Xildhibaano iyo shaqsiyaad kale, waxaan madax u ah Madaxweynihii 7aad ee Somalia.

Waa markii ugu horeysay oo Xisbiga Xasan Sheekh laga hor-istaago inuu kulan siyasadeed ku qabsado gudaha dalka tan iyo aas-aaskiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM