Lafta Gareen oo soo bandhigay aragtidiisa doorashooyinka 2020-21

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen, ayaa ku adkeystay in doorashooyinka waddanka ka qabsoomaya sanadka dambe ee 2020-21 aysan noqon karin qof iyo cod.

Lafta Gareen oo u waramay Talafishinka Somali Cable ayaa cuskaday xaalado ammaan iyo tirokoob aan wali lagu sameyn dadweynaha.

Sidda laga soo xigtay Lafta Gareen, Koonfur Galbeed ayaa dooneysa in coddeynta soo aadan lagu saleeyo hanaanka qeybsiga beelaha ee 4.5.

"Maamul ahaan, waxaan jeclaan lahayn doorashada in ay u dhacdo 4.5, inta Soomaali tiradeeda laga ogaanayo oo degaanada laga xoreynaayo, nin walbana degaan doorashadiisa uu tago," ayuu yiri.

Mar la waydiiyey hadii muddo kororsi uu doonayo in loo sameeyo madaxda federaalka ah ee haatan majaraha qaranka u haysa ayuu ku jawaabay "Maya, qof Soomaali ah oo rabo maba jirto".

Lafta Gareen ayaa soo jeediyey in la kordhiyo tiradda ergada soo xuleysa baarlamaanka federaalka ee soo aadan. Iyaddoo ay haatan tahay 51, wuxuu ku taliyey in la gaarsiiyo 70.

Hadalka Lafta Gareen ayaa dab kusii shidaya kala qeyb-sanaan weyn oo ka jirta Xukuumadda iyo Baarlamaanka oo ku aadan nooca ay noqonayaan doorashooyinka dalka ka dhacaya sanadka soo aadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Yurub oo badbaadiyay Markab Shidaal oo lagu afduubey Xeebaha Soomaaliya

Burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya ayaa heerkii ugu sareeya gaarey 2011, iyadoo dhacay 237 weerar oo afduub ah.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 07:01AM

Agaasimaha Isbitaalka Banaadir oo la eryay kadib fadeexadii Hooyada banaanka ku dhashay

Wasiirka Caafimaadka iyo Adeegga Bulshada, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa xilka ka qaaday agaasimihii isbitaalka, Fartuun Shariif.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 06:05AM