Laftagareen oo eryay wasiiro ka tirsanaa xukuumada Koonfur Galbeed

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen oo Isniinta maanta ah soo saarey wareegto ayaa xilalka ka qaadey xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda Koonfur Galbeed.

Digreetadda oo ku taariikheysan 24-ka Febraayo sanadka 2020 ayaanan lagu soo bandhigin sababta keentay in shaqada laga eryo mas'uuliyiinta.

Xubnaha la eryay ayaa kala ah;

Cabdiraxmaan Cusmaan Malaaq, wasiirkii waxbarashada
Faysal Cabdullaahi Cali, wasiirkii shaqada iyo shaqaalaha
Jabriil Maxamuud Aadan, wasiir ku xigeenkii waxbarashada

Isla wareegtada, waxaa lagu magacaabay wasiiro cusub, kuwaasoo la sheegay in lagu soo xushay aqoon, karti iyo waaya aragnimo ay u leeyihiin in ay kamid noqdaan Golaha Xukuumada.

Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah;

Maxamed Yuusuf Xasan, wasiirka waxbarashada
Cabduqaadir Cumar Cabdullaahi, wasiirka shaqada iyo shaqaalaha
Cabdifitaax Isaaq Maxamed, wasiir ku xigeenkii waxbarashada

Tan iyo markii la doortay bishii December, sanadkii 2018-kii, madaxweyne Laftagareen ayaa dhowr jeer isbedel ku sameeyay wasiiradiisa.

Laftagareen ayaa kamid ah madaxweyneyaasha maamul goboleedyadda ee xiriirka dhow la leh Villa Soomaaliya, oo la tilmaamay in ay dhaqaale ku bixisay madaxtinimadooda.

Qaramada Midoobay ayaa xaqiijisay in doorashadii Laftagareen lagu maalgeliyey malaayiin Doolar oo ay bixisay dowladda Farmaajo, oo mudada xileedkeedu kaga harsan yahay muddo bilooyin ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wada-hadalladii Xalane oo lagu kala kacay iyo Khilaaf hor leh oo ka dhashay Doorashada

Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka ayaa ilaa hadda si cad u diiday soo-jeedinta guddiyada farsamada.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 12:30PM

Shirka Xalane oo soo dhammaaday iyo Mucaaradka oo isugu tegaya Hotel Airport

Madaxdii mucaaradka ee shirka ku matalaysay dhinaca kale ayaa hadda u soo jiheystay Hotel Airport.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 11:11AM