Laftagareen oo wada abaabulka wajiga 2-aad ee dagaalka ka dhanka ah ‘AS’

Image

XUDUR - Madaxweynaha Dowladda Koonfur-Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu Hogaaminayo ayaa lagu soo dhoweyey Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Mas’uuliinta soogaroonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay madaxweynaha ayaa ka mid ah Wasiiro, Xildhibaano, Mas’uuliinta Maamulka Gobolka Bakool, kan Degmada Xudur, Saraakiisha Hay'addaha Amniga iyo Qeybaha kala Duwan Bulshada.

Wafdiga soo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.uu hogaaminayay Madaxweyne Laftagareen ayaa ka mid ahaa mas’uulin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed,

Socdaalka Madaxweyne Laftagareen ee Magaalada Xudur ayaa ujeedadiisu tahay dardar-gelinta Wajiga 2-aad ee dagaalka dalka looga Saarayo kooxda ‘AS’.

Maamulka KG ayaa ku guda jira diyaar-garowgii ugu dambeeyey ee abaaulka ciidamada deeganada maamulkaas ka saari laheyd kooxda AS, oo haatan gacanta ku haysa deegaano muhiim ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM