Laftagareen oo wada abaabulka wajiga-2aad ee dagaalka ka dhanka ah ‘AS’

Image

DIINSOOR, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Wafdiga ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Gaashaandhigga Cabdiqaadir Maxamed Nuur, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada KG iyo Mas’uuliyiin kale.

Booqashada madaxweynaha dowlad goboleedka iyo wafdiga la socda ee magaalada ayaa ujeedadeedu tahay sidii loo soo gabagabeyn lahaa shir dib u heshiisiin ah oo dhexmari doona beelaha wada dega magaalada.

Waxaana sidoo kale looga hadli doona sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dadaalada dalka looga saareyokooxaha argagixisada ah ee ku sugan Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM