Lataliyaha Amniga Qaranka oo sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay dagaal

Image
Lataliyaha ayaa ku baaqay dagaal hadii aysan Itoobiya ka laaban heshiiskii Badda.

MUQDISHO, Soomaaliya - La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali, ayaa wareysi uu siiyay wargeyska The Guardian ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, kaga hadlay mowqifka Soomaaliya ee ku aadan heshiiskii Addis Ababa ay la gashay maamulka Somaliland.

La-taliyaha ayaa yiri “Soomaaliya waxay diyaar u tahay dagaal, haddii aysan Itoobiya ka bixin heshiiska sharci-darrada ah ee ay la gashay Somaliland”.

Sida laga soo xigtay saraakiisha Itoobiya, heshiiska is-afgaradka ah ee la saxiixay 1-dii Janaayo ayaa dhigaya in la dhiso deked iyo saldhig ay ciidamada Itoobiya ka sameysanayaan deegaanka Lughaya ee gobolka Awdal.

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga soo horjeesatay heshiiskan, waxayna sheegtay inuu xadgudub ku yahay madax banaanida Soomaaliya, waxayna sidoo kale ka dalbatay Itoobiya inay ixtiraamto shuruucda caalamiga ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay digniin culus uga jeediyay Itoobiya oo ku aadan heshiiskan, isagoo carabka ku adkeeyay in dalkiisa ay ka go’an tahay inay danaheeda ku difaacdo si walba oo suurtagal ah, oo ay ka mid tahay dagaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafka Goobta iyo Ajandaha oo hakad geliyay Kulanka Xasan Sheekh iyo Gollaha Mustaqbalka 

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku wajahan magaalada Addis Ababa si uu uga qeyb galo shir madaxeedka Midowga Afrika.

  • Soomaliya

    12-02-2026

  • 09:42AM

Sheekh Shariif oo Dib ugu Soo Laabtay Muqdisho Xilli Xiisad Siyaasadeed Korortay

Kulanka ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay wajahdo muran xooggan oo la xiriira doorashooyinka, dib-u-eegista dastuurka.

  • Soomaliya

    12-02-2026

  • 09:31AM