Latif Ladin: Waa in aan ka duceysanaa in dalkeenu lamid noqon Soomaaliya

Image

KUALA LUMPUR, Malaysia – Dadka Malaysia waa in ay ka duceystaan, Ilaaheyna ka tuugaa in dalkeedu uusan lamid noqon Soomaaliya, sidda uu ugu baaqay Latif Ladin oo kamid ahaa ciidamadda difaaca waddankaas.

Ladin oo faafiyey qoraal uu ugu talogalay Maalinta Xorriyadda Malaysia ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta in aysan siyaasada u horseedin isku dhacyo iyo jahwareerku dalkeedu u horseedaan, isagoo ku waaniyey tanaasul.

"Siyaasada waad isku qaban kartaan, balse ma ahan in aan waddanka ugu horseedaa in uu daciif noqdo," ayuu yiri Ladin oo qeyb ka ahaa Ciidankii Malaysia ee ka qeybgalay dagaalkii Muqdisho ee 27-sano kahor.

Askartaas tiradoodu gaareysay 114 ayay Qaramada Midoobay u soo dirtay in ay badbaadiyaan ciidamo Ameerikaan ah oo ku godoomay Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho intii u dhaxeysay 3-4 October sanadka 1993.

Iska hor-imaad ayay la galeen maleyshiyaad Somaali ah. Dagaal la isku jilba-murxay ayaa waqtigaas dhexmaray kaasoo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyaddoo khaaaraha uu dhinacyada gaarey.

"Faa'iidada dagaalka waanu soo aragnay. Waxa aan ku faraxsanahay waxay tahay in aan haatan nabad nahay oo aan lamid noqon Soomaaliya. Ma ahan in aan dhexdeena dagaalno aan nabada ilaashano," ayuu yiri.

Latif Ladino o ciidanka ka fadhiistay 1996 ayaa maankiisa ku haya xusuus uusan ilaabi karin taasoo ah in mudadii iska hor-imaadku socday uu daawanayey saaxibkii uu hoobiye uu haleelay, balse aysan niyad-jebin.

Saaxibkiis waxaa lagu magacaabi jiray Mat Aznan, kaasoo kolkii dambe dhintay, wuxuuna ahaa darawalka baabuurkii ay saarnaayeen.

"Ilaahey wuu naga mamnuucay in aan dhexdeena dagaalno. Waan in aan ku duceysanaa in waddankeena uu ka badbaadiyo in uu noqdo Soomaaliya oo kale. Waxaan rajeynayaa in dhamaanteena aan jiilka mustaqbalka u dhowrano nabadda aan haatan haysano," ayuu kusoo xiray hadalkiisa.

Dagaalkii maalintaas dhacay oo loogu magac-daray Black Hawk Down ayaa lagu waramay in leysku adeegsaday in ka badan 100,000 oo rasaas ah, wuxuuna kamid ahaa isku-dhacyadii ugu cuslaa ee caasimada soo maray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM