Liiska baarlamaanka labaad ee Galmudug oo lagu dhawaaqay

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Guddiga doorashooyinka Galmudug ayaa maanta oo Jimco ah shaaciyey liiska Xildhibaanada baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedkaas.

Liiska tirro ahaan ka kooban 83 mudane ayaa 20 kamid ah waxaa soo xulatay Ahlu Sunna Waljameeca kadib heshiis ay la gashay xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Ku dhawaaqista ayaa kusoo aadeysa iyaddoo ay jiraan warar kala duwan oo ku saabsan nidaamka loosoo xulay oo ay su'aal geliyeen qaar kamid ah xubnaha mucaaradka.

Guddiga ayaa sheegay in sidda ugu dhaqsiyaha badan loosoo dhameystiri doono lix xubnood oo ka dhiman tiradda guud ee baarlamaanka Galmudug oo ah 89 Xildhibaan.

Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] oo sheegay in uusan aqoonsaneyn Guddiga ku sugan Dhuusamareeb ayaa magacaabay guddi doorasho oo ku shaqeynaya Gaalkacyo.

Tani oo soo cusbooneysiisay khilaafka arrimaha doorashooyinka Galmudug ayaa waxay sare u qaadey cabsida laga qabo in maamulka Galmudug uu yeesho laba hogaan.

Puntland oo ku waanisay dowladda federaalka Soomaaliya in ay joojiso "qaadashada doorka Galmudug" ayaa ku tartarsiisay in ay dadka u madax-banaaneyso ismaamulkooda.

Hoos ka akhriso liiska

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM