Lix qof oo ku geeriyooday Qarax ka dhacay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Fahfaahin dheeraad ayaa kasoo baxaysa Qarax xooggan oo gilgalay Galabta magaalada Muqdishu, ee Caasumadda Somalia.

Ugu yaraan 6 qof oo shacab ah ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen, 10 kalena ay ku dhaawacmeen weerar loo adeegsaday Gaari lagusoo xiray walxaha qarxa oo ka dhacay degmada Xamar Jajaba.

Weerarka ayaa goor-gaaban galabta ka dhacay Maqaaxi mashuul badan, oo ku taalla Wadada Sheelare oo ku dhaw Dekedda Muqdishu.

Kooxda Al shabaab ayaa sheegatay Mas’uliyada qaraxa, sida ay ku baahiyeen warbaahinta afkooda ku hadasha, iyadoo soo xiganaya Cabdicsiis Abu Muscab.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in weerar ay ku dileen Saraakiil sare oo Hay’adaha amniga Dowladda Federaalka katirsan, kuwa kalena ay ku dhaawaceen.

Weerarkan ayaa kusoo aaday xilli dowladdu sheegayso inay sugayso amniga caasumadda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM

Turkiga oo kordhiyay Maalgelinta Soomaaliya, balse muwaadiniinta Soomaaliyeed u diiday E-Visa

Soomaaliya ayaa weli ah dal muhiim u ah istiraatiijiyadda gobolka, sababo la xiriira goobta ay ku taallo iyo fursadaha kheyraad ee ay leedahay.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 08:50AM