Maamul Goboleedyada oo DF ku dacweeyay UK

Image

BRUSSELS - Kadib markii uu soo gaba gaboobay shirka arrimaha Soomaaliya ee ka socday wadanka Belgium-ka, ayaa waxaa Wafdi ka socday dowladda Ingiriiska kulan gaar ah u la qaatey madaxda dowlad goboleedyada dalka.

Mas'uuliyiinta Brtitain ee la kulmay hogaamiyaasha maamullada waxaa hormuud u ahaa Danjiraha dalkaasi u fadhiya Muqdisho David Concar, waxayna kawada hadleen arrimaha amaanka gaara ahaan lacagta lagu bixiyo dhismaha ciidamadda.

Illo wareedyo ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in madaxda maamuladda ay si isku mid ah ugu gudbiyeen David Concar iyo saraakiisha kale in dowladda Federaalka aysan soo gaarsiin deeqaha dhaqaale ee UK ay siiso Soomaaliya.

War kasoo baxay Madaxtooyadda Jubbaland ayaa lagu sheegay in hogaamiyaasha maamul goboleedyada dalbadeen in dabagal lagu sameeyo lacagaha loogu deeqo ciidamadda ee ku dhaca gacanta dowaladda Federaalka ah e Soomaaliya.

"Waxaa leysla afgartay in la hubiyo, oo dabagal lagu sameeyo lacagaha lagu deeqo ciidamadda Soomaaliyeed inay gaarto guud ahaan maamul goboleedyadda dalka iyo in kale," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Jubbaland.

Waxaa si gaar ah farta loogu fiiqay dowladda oo la sheegay in lagula xisaabtamayo inay maamulada gaarsiisay lacagta loosoo dhiibay, taasoo la rumeysan yahay inaysan gaarin halkii loogu tala-galay, oo ay jiraan wax-isdaba marin iyo musuq-maasuq.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ee hadda jirtay ayaa wajahaysa dhaliilo culus oo ku saabsan in aysan si gaarsiinin deegaanadda dowlad goboleedyadda lacagaha loogu tabaruco guud ahaan Soomaaliya.

Intii uu socday shirka Brassels, kaasoo lasoo gaba gabeeyay shalay, ayaa dowladda Federaalka waxay kala kulantay waji gabax markii Madaxweynaha Jubbaland ka sheegay in aaney jirin wax ka hirgelay heshiisyadii lagu gaarey shirarkii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM