Maamul Goboleedyada oo taageeray Mooshinka Xil-ka-qaadista Farmaajo [Akhriso]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gollaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Soomaaliya ayaa soo dhoweeyey mooshinka xilka-qaadista ah ee laga keenay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Madaxda maamullada ayaa ku amaaney Xildhibaanada sida ay uga gilgisheen siyaasadda gurracan ee uu hornuudka ka yahay Madaxweyne Farmaajo taasoo sababtay khal-khal siyaasadeed oo ku aadan dowlad goboleedyada curdunka ah.

Gollaha ayaa ugu baaqey Labada Golle ee Baarlamaanka [Gollaha Shacabka iyo Aqalka Sare] inay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah, islamarkaana u maraan mooshinka sifo waafaqsan Dastuurka dalka.

HALKAN KA AKHRI WAR-SAAXAFADEEDKA:

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM