Maamul Goboleedyada oo taageeray Mooshinka Xil-ka-qaadista Farmaajo [Akhriso]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gollaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Soomaaliya ayaa soo dhoweeyey mooshinka xilka-qaadista ah ee laga keenay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Madaxda maamullada ayaa ku amaaney Xildhibaanada sida ay uga gilgisheen siyaasadda gurracan ee uu hornuudka ka yahay Madaxweyne Farmaajo taasoo sababtay khal-khal siyaasadeed oo ku aadan dowlad goboleedyada curdunka ah.

Gollaha ayaa ugu baaqey Labada Golle ee Baarlamaanka [Gollaha Shacabka iyo Aqalka Sare] inay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah, islamarkaana u maraan mooshinka sifo waafaqsan Dastuurka dalka.

HALKAN KA AKHRI WAR-SAAXAFADEEDKA:

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM