Maamul goleedyada oo xiriirka u jaraya dowladda Soomaaliya

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Hogaamiye-yaasha maamul goboleedyada ayaa qorsheynaya inay joojiyaan wadashaqeynta dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, xilli la filayo inay war-murtiyeed kasoo saaraan shirkooda Kismaayo.

Mas'uul sare oo ku sugan Kismaayo, oo magaciisa ka gaabsadey ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in illaa Villa Somalia ay ka fuliso heshiisyadii hore ay joojiyanayaan xiriirka ay la leeyihiin.

Madaxda dowlad goboleedyada ayaa tan iyo Talaadadii lasoo dhaafey shir uga socdaa magaalada Kismaayo, iyagoo si aad ah khudbadahooda ugu dhaliilay hab-dhaqanka dowladda Federaalka.

Waxaa lagu wadaa in maanta Shirka Kismaayo laga soo saaro War-murtiyeed, kaasoo lagu shaacin doono inay maamul goboleedyada xiriirka u jareen dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Tan iyo saanadkii 2017, waxaa sii xumaanayay xiriirka dowlad goboleedyada iyo Villa Somalia, oo lagu eedeeyay inaysan waxba ka fulin dhamaan heshiisyadii ay kuwada gaareen shirarkii dalka lagu qabtey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM