Maamul KMG ah oo loo magacaabay Waaxda Canshuuraha ee Dekadda Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda ee xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa maamule cusub si KMG ah loogu magacaabay Kastamka canshuuraha ee dekadda Muqdisho.

Axmed Cabdullaahi Samow, ayaa ahaa maamulaha Furdada Canshuuraha Dekedda wayn ee magaaaldda caasimadda ah ee Muqdisho, laakiin eedaymo musuq-maasuq oo loo jeediyay ayuu haatan xabsi ugu jiraa. [Halkan ka akhri warka].

Xasan Cabdicasiis Axmed [Baashe] ayaa loo magacaabay in uu noqdo Maamulaha cusub ee Kumeel gaar ka ah, isagoona isla maanta oo Axad ah loo dhaariyay inuu shaqada si hufan u sii wado.

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa xaadir ku ahaa goobta lagu dhaarinayay maamulaha sida KMG ah loo magacaabay.

Warbaahinta dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegeysa in howlihii xafiiska maamulaha Kastamka dekadda Muqdisho ay si caadi ah usocoto, islamarkaana uusan saameynin arrintaan soo korodhay.

Maamulaha cusub ee sida ku meel gaarka ah shaqadda loogu dhiibay, mudane Baashe ayaa la sheegay inuu shaqaddiisa sii guda galay, islamarkaana xafiiska uu bixinayay adeegyaddii looga bartay.

Maamulaha rasmiga ah ee Kastamka Canshuuraha ee dekadda Muqdisho Samow ayaa waxaa nan la ogayn halka uu ku dab-bayn doono mustaqbalkiisa, inkasta oo la tilmaamay in isaga iyo kooxdii la shaqaynayay baaritaano lagu wado.

Dekadda Muqdisho oo ay gacanta ku hayso shirkad laga leeyahay dalka Turkiga ayaa ah isha dhaqaale ee ugu wayn, waxaana soo dul-martay dabeesha olalaha la dagaalanka musuqa oo ay dowladdu xoojisay bilooyinkii lasoo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM