Maamulada dowlada Federaalka Somalia oo ku heshiiyey qaybsiga dakhliga Kalluunka Tuna

Image

VICTORIA, Seychelles - Waxaa dalka Seychelles ka dhacay Shir ay dowladda Mareykanka dhexdhexaadinayso oo dowladda dhexe ee Somalia iyo Mamaul goboleedyada dalka uga hadlayaan qeybsiga Kheyraadka Kullaanka TUNA.

Wafuud ka kala socota Wasaradaha Kallumaysiga Maamul Goboleedyada iyo wafdi heerkiisu hooseeyo oo matalaya dowladda Federaalka ayaa ku sugan dalka Seychelles.

Illo-wareedyo ku sugan Shirka ayaa u xaqiijiyay Warsidaha GO in maamul goboleedyada ay heshiis ka gaareen hab qeybsiga Dakhliga Kaluunka TUNA, iyadoo uu maqan yahay lana sugayo saxiixa dhanka dowladda Federaalka Somalia.

Hay'adda Mareykanka ee USAID oo soo qaban-qaabisay Shirka, ayaa raadinaysa in dowladda Federaalka Somalia u abuurto Illo dhaqaale iyo Dakhli kasoo gala Kalluumaysiga Kalluunka qaaliga ah ee TUNA.

Shirkan ayaa wajigiisa kowaad waxa uu ka dhacay Muqdishu bishii lasoo dhaafey dhamaadkeeda, kaasi oo kusoo dhamaaday Is-afgarad la'aan, waxaana loo wareejiyay magaalada Victoria ee dalka Seychelles.

Shirkado waaweyn oo reer galbeed ah ayaa aad u doon-doonaya ka faa'idaysiga Kheyraadka Kulluunka TUNA, oo Biyo dalka Somalia aad uga buuxo, kaasi oo caalamka qiimo sare ka jooga, cunistiisana la jecel yahay.

Shirkadahan ayaa doonaya inay qaab sharciyaysan uga kalluumaystaan Badda Somalia, islamarkaana ay bixiyaan lacago canshuur ah, taasi oo ay kala qeybsan doonaan dowladda dhexe iyo maamullada dalka.

Warsidaha Garowe Online ayaa ogaaday in dowladda Federaalka ay Dakhliga dhaqaalaha kasoo xarooda Kulluunka TUNA ay heli doonto 30%, halka mamaul goboleedyadana ay qaadanayaan 70%.

Lacagta kasoo gasha dowladda Somalia Kulluunka TUNA waxaa lagu shubayaa Bangiga Dhexe ee dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM