Maamulada oo federaalka ka ansixiyay qodob uu Farmaajo ka diiday

Image
Shir laba maalmood ka socdey magaaalada Baydhabo ayaa lagu meelmariyey qodobkan.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Shir kusoo gabogaboobay magaalada Baydhabo ee xarunta kumeelgaarka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa looga heshiiyay qodob uu muran weyn ka taagnaa, kaas oo ay horey isugu mari waayeen dowlad goboleedyada iyo maamulkii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shirkan waxaa isugu yimid wasaaraddaha caddaaladda dowladda federaalka iyo kuwa xubnaha ka ah, waxaana laga soo saaray10 qodob kadib maalmo shir loo fadhiyay, waxaana warbaahinta u akhriyay agaasimaha wacyigalinta ee Wasaaradda Caddaaladda Federaalka Cabdiqani Cali Aadan.

Qodobka ugu muhiimsan ee soo jiitay dareenka dadka la socda geeddi-socodka dowladnimo ee Soomaaliya ayaa ah in dowlad goboleedyada loo ogolaaday in ay xubno ku yeeshaan Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib U Eegista Dastuurka iyo waliba Guddiga Dib U Eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee isku dhafka ah.

Dowladdii hore ee Farmaajo ayaa dowlad goboleedyada ka hor istaagtay in ay wax kaalin ah ku yeeshaan guddiyadan, arrintaas oo keentay in su’aal la galiyo sharcinimada waxa ay soo saaraan guddiyadani mar haddii aysan ogolaansho ka haysanin dowlad goboleedyada.

Shirka Baydhabo ayaa dowlad goboleedyada looga codsaday in ay si dhaqsiyo leh usoo gudbiyaan xubnihii uga mid noqon lahaa guddiyadan labada ah, iyada oo shirka xiga ee kale ah lagu qaban doono magaalada Baydhabo.

Isla shirkan waxaa lagu ansixiyay in Golaha Wadatashiga Qaran si degdeg ah loogu gudbiyo qodobada muhiimka ah ee la doonayo in dastuurka laga badelo ama dib u eegista lagu sameeyo ama kuwa lagu darayo.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA

No photo description available.

May be an image of text

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Booqasho ay ku Tilmaantay Sharci-darro Cambaareysay

Warsaxaafadeed ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya soo saartay Talaadadii…

  • Soomaliya

    06-01-2026

  • 09:52PM

Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo Heshiis ka Gaarey Khilaafkooda Shakhsiyeed

Kulankan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray sidii loo yareyn lahaa xiisadda siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    05-01-2026

  • 08:02AM