Maamulada oo ka hor-yimid Xeer ay xukuumadu u gudbisay baarlamaanka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowlad Goboleedyadda xubnaha ka ah dowlada federaalka Soomaaliya ayaa qaadacay Xeerka Canshuuraha ee ay Sabtidii wasaarada Maaliyada u gudbisay Golaha Shacabka.

Sidda ku cad bayaan kasoo baxay Iskaashiga Wasaaradaha Maaliyada Maamulada, Hindisa Sharciyeedkaasi ayaa ah mid aanan wax latashi ah lagala sameyn dowladaha xubnaha federaalka.

Wasaaradda Lacagta Federaalka ah ayey ku eedeeyeen in ay iska indha tirtay in ay maamuladda ka talo geliso xeerkaan, talaabadaasi qaabka haatan loo maray baalmarsan Dastuurka qaybyada ee wadanka.

Wasiirka Maaliyada, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayay ku eedeeyeen in uu ku xadgudbay hiigsiga nidaamka federaalka ee ka dhaqan galay guud ahaan wadanka oo dhan.

Baarlamaanka Federaalka ayay rajo wanaagsan ka muujiyeen in xeerkaan uusan maal-marin, isla amrkaana uu dib ugu soo celiyo Wasaarada uu madaxda ka yahay Mr Bayle.

Go’aanka cusub ee kasoo yeeray Iskaashiga Wasaarada Maaliyadaha dowlad goboleedyadda ayaa imaanaya xili maamulada qaarkood ay horey ugu gacan-seyreen Sharciyada Bartoolka iyo Doorashooyinka.

Tani ayaa sidoo kale kusoo beegmaysa xili Shirkii Garowe ee dowlada federaalka iyo maamulada uu kusoo gabagaboobay iyadda oo aan wax heshiis ah laga gaarin khilaafkii jiray.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay in la jabsaday xogta E-Visa, Go'aan cusubna soo saartay

Afhayeen u hadlay HSJ ayaa sheegay in dowladda federaalku ay durbaba magacaawday guddi gaar ah oo isugu jira hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    16-11-2025

  • 03:28PM

Sirdoonka Ajnabiga oo ka Cararay Muqdisho Kadib Jabsi Xogeed oo lagu Sameeyay Nidaamka E-VISA

Dhacdadan ayaa ka dhalatay xumaan xiriirka ka dhaxaysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah.

  • Soomaliya

    16-11-2025

  • 12:53PM