Maamulka Banaadir oo albaabada u xiray shirkado lacaga been abuur ah ka qaadayay Bajaajleyda

Image
Maamulka Banaadir ayaa sheegay inaan gaadiidka Bajaajta ah laga qaadi karin Lacag dhaafsiisan waxii sharciga ahaa.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maamulka Gobolka Banaadir ayaa gacanta kusoo dhigay shirkado lacaga been abuur ah ka qaadayay Bajaajleyda ka howl gasha Muqdisho, waxaayna sheegeen in sharciga lala tiigsan doono kuwa gacanta lagu soo dhigay iyo cidkasta oo ku howlan dhibaateynta bulshada.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Xassan Cumar ayaa yiri, “Maamulka gobolka Banaadir waxa uu caddeynayaa in wax shaqo ah ku lahayn lacagtaas laga qaadayay bajaajta ka howlgala gobolka”.

Maamulka ayaa albaabada u xiray shirkadahii $27 ka qaadanayay Bajaajleyda, oo ay ka mid yihiin xarumaha kala ah Balqiis, Daacad & kuwo kale oo badan oo habkan u shaqeysan jirey.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay inaan gaadiidka Bajaajta ah laga qaadi karin Lacag dhaafsiisan waxii sharciga ahaa ee ku waajibay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM