Maamulka Farmaajo oo lala xiriiriyey qorshe ka dhan ah Xalane

Image
Soomaaliya ayaa haatan ku jirta mar-xalad hubanti la'aan ah taasoo ka dhalatay daahida doorashooyinka.

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey Farmaajo iyo lataliyihiisa amniga qaranka, Fahad Yaasiin Daahir, ayaa qorsheynaya in ay talada dalka la wadaagaan Al-Shabaab markii ay ku fashilmeen boobka doorashada, sida uu shaaca ka dhigay khabiir dhanka amniga.

Jeneraal Cabdalla Cabdalla, taliye ku xigeenkii hore ee hay'adda sirdoonka qaranka oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga, ayaa shaaca ka dhigay in Farmaajo iyo Fahad ay ku fekerayaan Khalkhal gelinta amniga goobo dhowr ah.

Sida laga soo xigtey Cabdalla oo taliska hay’adda horey uga eryay Farmaajo darajaddana uu ka xayuubiyey Farmaajo, goobaha ay amni daradda u maleegayaan waxaa kamid ah garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo xerada Xalane.

"Al-Shabaab iyo F&F (Fahad iyo Farmaajo) waxay ku heshiiyeen in Al-Shabaab ay kordhiyaan weerarada ka dhanka ah xarumaha muhiim ka ah sida Airport-ka iyo Xalane si arintaas loogu sahlana waxaa shalay iyo maanta laga sameeyay fowdo iyo amni darro qaybo kamid ah Airport iyo xarunta UN ka waxaana la dul dhigay ciidan ka amar qaata Abu Camaar," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Waxaa qorshaha yahay inay qayb ka noqdaan howlgallo lagu carqalaynayo amniga xarumaha caalamiga si loogu khasbo inay ka baxaan dalka".

"Waxaa socda qorshe F&F (Farmaajo iyo Fahad) ay ku fashilinayaan doorashooyinka markay ku adkaatay boobkii qaawanaa kuraasta Aqalka Hoose, waxaana hadda ay ka shaqaynayaan in Al-Shabaab la wareegaan talada dalka," ayuu kusoo gabagabeeyay hadalkiisa.

Warsidaha Garowe Online ayaa si madax-banaan u xaqiijin karin sheegashooyinka Jananka. Dhanka kale, xafiisyadda Farmaajo iyo Fahad ayaan wali ka jawaabin eedeyntan.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirta mar-xalad hubanti la'aan ah taasoo ka dhalatay daahida doorashooyinka madaxtinimadda iyo baarlamaanka. Eedeynta ay hawada isku marinayaan dhinacyadda is-haya ayaa isa soo taraysa. Tani waxay walaac ku abuurtey dadweynaha oo u nugul dhibaato kasta oo dhacda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM