Maamulka G/Banaadir oo sheegay sababta ka danbaysa barkacinta dad shacab ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kadib markii dowladda hoose ee G/Banaadir ay bilaawday burburinta dhismaha Xarunta Kaasa Italia, maamulka gobolka ayaa ugu dambeyntii shaaca ka qaaday sababta arintaasi keentay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka hadlay arrimaha la xiriiro dhulkaas oo ay leedahay dowladda Talyaaniga kuna yaalla degmada Xamarweyne.

Guddoomiyaha ayaa xaqiijiyay in burburinta dhismayaal ka jiray dhulkaasi ay ku timid codsi ka yimid dowladda Talyaaniga, isla markaana aysan jirin ganacsato ama mas’uul dowladda ka tirsan oo laga iibiyey.

Dadka ku nool Kaasa Italia ayaa dhawaan ku eedeeyey dowladda hoose ee Muqdisho in ay ka iibiyeen dhulkii ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed oo xigato la ah madaxweyne xasan sheekh, islamarkaana ay kala eryeen qoysaskii dhulkaasi degnaa.

Qoysas badan oo Soomaali ah ayaa ka faa’iideystey dhulkaas, iyagoo ka dhistay guryo, maqaayado iyo goobo ganacsi kadib burburkii dowladdii dhexe 1991-kii.

Dhinca kale, maamulka Talyaaniga ayaa doonaya in dhulkaas dib loo soo celiyo si ay uga faa’iideystaan, isla markaana ay uga dhistaan mashaariic dhaqaalaha dalka kor u qaadaya oo faa’iido u leh muwaadiniinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu La Kulmay Ninkii Kaliya ee Ka Badbaaday Shilkii Diyaaradda ee Ay Ku Dhinteen 242 Qof?

Diyaaradda oo ahayd duulimaadkii AI171 kuna sii jeeday Garoonka Gatwick, ayaa waday….

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 09:16PM

Dowladda Soomaaliya oo Ka Laabatay xayiraadda Baasaboorka Taiwan Iyadoo uu Cadaadis Saaray Mareykanka

Taiwan iyo Somaliland labaduba waxay sheegtaan inay yihiin dalal madax bannaan — mid ka go’ay Shiinaha iyo mid ka go’ay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 01:30PM