Maamulka Gedo oo ka warbixiyay Diyaarad ku dhacday Garabahaarey

Image

GARBAHAREY, Somalia- Maamulka gobolka Gedo ayaa fahfaahin ka bixiyay Diyaaradii maanta ku dhacday Garoonka Diyaaradaha magaalada Garbahaarey, taasi oo u rarneyd Hay’adda WFP.

Cismaan Nuux Xaaji, oo ah ku xigeenka Gudoomiyaha Gedo ayaa sheegay in Diyaarada ay soo wajahday Cilad farsamo, kadib ay garabka ku dhufatay dhowr Guri oo ka dhaw Garoonka, kahor inta aysan dhicin.

“Diyaarad weyn oo ciladaysan ayaa maanta kusoo dhacday Garoonka degmada. Diyaarada waxay ahayd mid ciladaysan, oo soo dagi waysay, waxayna garabka kusoo dhufatay dhor darbi, kadibna dab ayaa ka qabsaday,” Ayuu yiri Cismaan.

Wuxuu sheegay in Diyaarada ay u rarnayd Hay’dda WFP, waxanya cunto gargaar ah iyo waxtaabaha lagu nafaqeeyo caruurta u siday Dadka Barakaciyaasha magaalada Garbahaarey iyo Deegaanada ku dhaw.

Waxay Diyaarada ka timid dhanka Degmada Doolow, oo ay Sahayda Gargaarka kasoo qaadey, waxaana ay Saraakiisha sheegeen in la badbadiyay dhamaan shaqaalihii saarnaa, inkastoo Duuliyaha uu dhaawacmay.

Saraakiisha Garbahaarey waxay sheegeen in la demiyay dabkii ka kacay Diyaaradda, Islamarkaana Duulimaadka Garoonka uu caadi kusoo laabtey.

Waxay ahayd Todobaadkii lasoo dhaafay markii ay Diyaarada ay leedahay Shirkada dhanka amaanka ee Bancroft ay ku dhacday Garoonka Muqdishu, kadib markii ay u bixi waayeen Lugaha xilliga dagitaanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo xayiraad saartay Duulimaadyadii Baydhabo

Dhinaca kale, Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya (SCAA) ayaa iska fogeysay in ay jirto xanibaad rasmi ah oo ay iyagu soo rogeen.

  • Soomaliya

    17-03-2026

  • 11:32AM

Villa Somalia oo xiriir la samaysay Laftagareen si looga hor tago doorasho inuu qabsado

Falanqeeyayaasha ayaa ka digaya haddii cadaadiskan uu sii socdo, in Laftagareen uu ka bixi karo isbaahaysigii hore.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 07:27PM