Maamulka Hirshabeelle & hay’adda SoDMA oo ka shiray saameynta El Niño

Image
Ku dhawaad 500-kun oo ruux ay El Niño ku saameysay Dowladda Hirshabeelle.

Jowhar, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowlad-Gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa xalay shir-guddoomiyay shir gaar ah oo ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirrada Dowladda Hirshabeelle yo masuuliyiin ka socotay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA) oo uu hoggaaminayay Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle.

Shirka gaarka ah ayaa warbixin looga dhageystay Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Hirshabeelle oo ku aadan raadadka ay reebtay cimilada El Niño.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in ku dhawaad 500-kun oo ruux ay El Niño ku saameysay Dowladda Hirshabeelle waxaana taagan %65 cabsi laga qabo Elnino ka dhallato Roobka Gu’ga ee la filayo inuu dhawaan curto.

Mas’uuliyiin ka socda Maamulka Hirshabeelle iyo Hay’adda SoDMA ayaa dhawaan kormeeeray qayabaha kala duwan ee biya xireenka Sabuun, kaas oo ay ka muuqdaan sameyntii ka soo gaartay cimilada El-Niño ee sanadkii hore.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka ayaa ballan qaaday in ay ka shaqeyn donaan dib u dayactirka biya xireenka, iyaga oo kaashaneyna Shacabka Soomaaliyeed iyo saaxibada caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM