Maamulka Hirshabeelle & hay’adda SoDMA oo ka shiray saameynta El Niño

Image
Ku dhawaad 500-kun oo ruux ay El Niño ku saameysay Dowladda Hirshabeelle.

Jowhar, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowlad-Gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa xalay shir-guddoomiyay shir gaar ah oo ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirrada Dowladda Hirshabeelle yo masuuliyiin ka socotay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA) oo uu hoggaaminayay Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle.

Shirka gaarka ah ayaa warbixin looga dhageystay Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Hirshabeelle oo ku aadan raadadka ay reebtay cimilada El Niño.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in ku dhawaad 500-kun oo ruux ay El Niño ku saameysay Dowladda Hirshabeelle waxaana taagan %65 cabsi laga qabo Elnino ka dhallato Roobka Gu’ga ee la filayo inuu dhawaan curto.

Mas’uuliyiin ka socda Maamulka Hirshabeelle iyo Hay’adda SoDMA ayaa dhawaan kormeeeray qayabaha kala duwan ee biya xireenka Sabuun, kaas oo ay ka muuqdaan sameyntii ka soo gaartay cimilada El-Niño ee sanadkii hore.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka ayaa ballan qaaday in ay ka shaqeyn donaan dib u dayactirka biya xireenka, iyaga oo kaashaneyna Shacabka Soomaaliyeed iyo saaxibada caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM