Maamulka Jubaland oo isku xiray nabad-gelyada iyo waddooyinka

Image
Talaabadan ayaa looga jawaabayaa dhaqanka Al-Shabaab ee ah in ay miinooyin galiso waddooyinka.

KISMAAYO, Jubaland - Mid ka mid ah qorshaha la dagaalanka Al-Shabaab ee Jubbaland ayaa laga dhigay in la jeexo waddooyinka u dhaxeeya Kismaayo iyo degmooyinka ku xeeran, waxaana hadda meel wanaagsan maraysa waddo 120 KM ah oo isku xirtay Kismaayo iyo Afmadoow.

Arrintan ayaa looga jawaabayaa dhaqanka Al-Shabaab ee ah in ay miinooyin galiso waddooyinka, taasina ay ku waxyeeloobaan ciidamada gaadiidka saaran iyo shacabkaba.

Balse waddooyinka hadda la qardaynayo ayaa Al-Shabaab ku adkayn doona in ay ku dhuuntaan meel aanan wadada ka fogeyn maadaama masaafo aad u durugsan oo wadada hareeraheeda ah dhirta laga jarayo.

Waddooyinka ma ahan laami, mana ahan jay, balse waa kaliya waddooyin dhirta laga jarayo, la simayo, la duugayo godadka, laguna shubayo ciid adag.

Marka laga tago arrinta amniga, tani waxa ay faa’iido weyn u tahay shacabka ku dhaqan degmooyinka Kismaayo ku xeeran oo muddo dheer dhib ku haysay waddo la’aanta, gaar ahaan xilliyada roobka oo wadada ay xiranto.

Shir ay yeesheen Golaha Wasiiradda Jubbaland maalinkii qamiista, ayaa looga wada hadlay waddooyinka la dhisayo, kuwaas oo ay qeyb ka yihiin waddooyin laga dhisayo Kismaayo gudaheeda oo laami ah, kuwaad oo heer biloow ah maraya, beesha caalamkana ay maalgalisay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM