Maamulka Mudug ee Puntland: Waa dambiile ciddii diida shilin Soomaaliga

Image

GAALKACYO, Puntland – Maamulka gobolka Mudug ee dowladda Puntland ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay in ay "dambiileyaal" u aqoonsan doonan cid kasta oo ku gacan-seyrta in ay adeegsato lacagta Shilin Soomaaliga.

Cabdiladiif Muuse San-yare, gudoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, ayaa ka dhawaajiyey in sicir bararka dhowaan lasoo wariyey ay ka dhalatay markii ganacsatadu diidey in ay isticmaasho lacagta Soomaaliga.

Mr San-yare oo ku tartarsiiyey ganacsatadda, sarif-layaasha iyo dadweynaha in ay socod-siiyaan lacagta Shilin Soomaaliga ayaa tibaaxay in ay dhankooda xil iska saari doonan sidii ay u fulin lahaayeen amarka lasoo rogay.

Sidda ay sheegayaan ganacsatada waratada ah, sicir-bararka waxaa sababay diidmo ay ganacsatada waaweyn ka muujiyeen adeegsiga Shilin Soomaaliga iyagoona door-biday in ay adeegsadaan Doolarka Mareykanka.

"Waxaan rabnaa lacagta in la qaato oo aysan cidna diidin. Cidii diidana waxaan rabnaa in ay noqdaan dambiileyaal, waana dambiileyaal. Sariflayaashana ay qaataan shilin Soomaaliga, dadkii ay wax ku iibsadaan si ay suuqa uga socoto," ayuu Talaadadii shalay u sheegay warbaahinta maxaliga ah.

Gudoomiyaha ayaa hadalkiisa ku daray: "Tan labaad waxaan rabnaa sarifka maanta laga bilaabo in uusan ka kormarin afar milyan, hoosna waa u waddeynaa haddee maalin walba in meel la geeyo ayuu rabaayee wixii afar milyan ka hooseeyaan kusii waddeynaa oo sarifka in uu dhacaan rabnaa".

"Waxaana rabnaa lacagta gudaha Puntland in ay one-uniform noqoto oo isku si Boosaaso iyo Gaalkacyo looga sarifo lacagta," ayuu kusoo xiray.

Sicir-barar culus ayaa bishii lasoo dhaafay ka dilaacay magaalooyinka waaweyn ee Puntland, waxaana saameynta ugu xoogan ay soo gaartey dadka danyarta, iyaddoo xukuumadda ay qaadey talaabooyin ay wax uga qabaneyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM