Maamulka Xasan Sheekh oo $7.8 milyan u diray Ururka Bariga Afrika

Image
Lacagtan ayaa lagu darayaa miisaaniyadda Ururka Bariga Afrika sanad maaliyadeedka 2024/25.

NAIROBI, Kenya - Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxa ay bixisay $7.8 milyan oo ah qoondada kaga soo aaday miisaaniyadda Ururka Bariga Afrika sanad maaliyadeedka 2024/25.

Xukuumadda fadhigeedu yahay Muqdisho ayaa talaabadan kaga wanaagsan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, oo ku biirtay ururkan labo sano ka hor, balse weli aan wax boqolkiiba ah ku darsan.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii hore soo dirtay lacag dhan $7,853,071, wax yar ka hor inta aan la horgeyn miisaaniyadda EAC ee golaha sharci dejinta.

Qaaraanka Soomaaliya ayaa sidaas darteed waxa uu miisaaniyada ururka oo ahaa $103,842,880 sanad maaliyadeedkii 2023/24 ka dhigay $112,984,442 ee 2024/25.

Soomaaliya ayaa dhawaan xaqiijisay in ay ka go’an tahay ka mid noqoshada EAC, iyadoo muujisay ka qayb galka shirka muhiimka ah ee gobolka oo bishii hore lagu qabtay Nairobi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM