Maareeye loo magacaabay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maareeye cusub u magacaabay Hay’adda Duulista Rayidka Qaranka.

Madaxtooyadda Qaranka oo shaacisay magacaabida ayaa mas’uulka cusub waxay magaciisa ku sheegtay Axmed Macalin Xasan.

War qoraal ah oo Isniinta maanta ah kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa lagu caddeeyay in madaxweyne garab taagan yahay mas'uulka cusub una rajeynayo in uu ku guuleysto waajibaadkiisa culus.

"Madaxweyne Farmaajo ayaa u magacaabay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Mudane Axmed Macalin Xasan, wuxuuna Eebe uga baryay inuu la garab galo masuuliyadda culus ee loo igmaday," ayaa lasoo dhigay barta Facebook ee Madaxtooyadda Soomaaliya.

Magacaabidaan ayaa kusoo aadeysa xilli madaxweynuhu isla maanta uu qalinka ku duugay Sharciga Duulista Rayidka Soomaaliya.

Sidda uu fahansan yahay Garowe Online, Axmed Macalin Xasan ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay wuxuu si ku meelgaar ahaan u haayey xilkaas.

Xisbiyadda mucaaraadka ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in ay "hub siyaasadeed ahaan u adeegsato maamulka hawada kana joojiso socdaalka siyaasiyiinta dhaleeceeya".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM