Maareeye oo laga codsadey in uu raallingelin siiyo Somaliland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ka tirsan Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa si adag u dhaleeceeyay hadalkii uu Wasiirka Warfaafinta xukuumada federaalka ku duray Somaliland.

Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye] oo warbaahinta kula hadlay magaaladda Muqdisho, ayaa sheegay in Somaliland ay 28-sano ku dhaqmeyso "hal siyaasad oo fadhiid ah isla markaana ka timaadda marfishyadda qaadka].

Hadalka Maareeye ayaa yimid iyadoo uu jiray guux ku saabsan in madaxweyne Farmaajo uu tegayo Hargeysa, taasoo ugu dambeyntii la beeniyey.

Sharci-dejiye Xuseen oo wax laga xumaado ku tilmaamay dhawaqa wasiir Maareeye ayaa ku waaniyey "in uu si furan raalligelin kaga bixiyo".

"Runtii waa arrin aad looga xumaaday, waa arrin runtii u baahan in uu ka bixiyo cudurdaar, raalin weynna uu ka siiyo shacabka Soomaaliyeed," ayuu u sheegay Telefishinka maxaliga ah ee Universal.

Wasiirkii hore ee gaashaandhiga dowladii Sheekh Shariif ayaa xusay in Maareeye uu "sharaf darro iyo magac xumo uu u soo jeediyey gobolada uu metelo".

"Laakiin wuxuu u hadlayay siddii nin xukuumadda afhayeen u ah, wuuna yahay, laakiin ma ahayn nin Soomaaliya oo dhan u hadlaayey," ayuu tibaaxay, isagoo ku nuux-nuux saday baahida loo qabo in Maareeye uu raali gelin bixiyo.

Ka sokow in ay kawada tirsan yihiin goleyaasha xeer-dejinta waddanka, Maareeye iyo Xuseen ayaa kasoo jeeda gobolada waqooyi ee Soomaaliya, oo loogu yeero Somaliland isla markaana gooni u goosad ah tan iyo 1991-dii.

Dowladda uu hogaamiyo Farmaajo oo ku guuldareystay in ay qaado talaabooyin dhabaha u xaaraya in dib loo bilaabo wadahadalka Soomaaliya iyo Somaliland ayaa waxaa lagu dhaliilay siyaasadeeda "gurracan" ee maamulkaas.

MUUQAALKA XILDHIBAANKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM