Maareeye oo laga codsadey in uu raallingelin siiyo Somaliland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ka tirsan Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa si adag u dhaleeceeyay hadalkii uu Wasiirka Warfaafinta xukuumada federaalka ku duray Somaliland.

Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye] oo warbaahinta kula hadlay magaaladda Muqdisho, ayaa sheegay in Somaliland ay 28-sano ku dhaqmeyso "hal siyaasad oo fadhiid ah isla markaana ka timaadda marfishyadda qaadka].

Hadalka Maareeye ayaa yimid iyadoo uu jiray guux ku saabsan in madaxweyne Farmaajo uu tegayo Hargeysa, taasoo ugu dambeyntii la beeniyey.

Sharci-dejiye Xuseen oo wax laga xumaado ku tilmaamay dhawaqa wasiir Maareeye ayaa ku waaniyey "in uu si furan raalligelin kaga bixiyo".

"Runtii waa arrin aad looga xumaaday, waa arrin runtii u baahan in uu ka bixiyo cudurdaar, raalin weynna uu ka siiyo shacabka Soomaaliyeed," ayuu u sheegay Telefishinka maxaliga ah ee Universal.

Wasiirkii hore ee gaashaandhiga dowladii Sheekh Shariif ayaa xusay in Maareeye uu "sharaf darro iyo magac xumo uu u soo jeediyey gobolada uu metelo".

"Laakiin wuxuu u hadlayay siddii nin xukuumadda afhayeen u ah, wuuna yahay, laakiin ma ahayn nin Soomaaliya oo dhan u hadlaayey," ayuu tibaaxay, isagoo ku nuux-nuux saday baahida loo qabo in Maareeye uu raali gelin bixiyo.

Ka sokow in ay kawada tirsan yihiin goleyaasha xeer-dejinta waddanka, Maareeye iyo Xuseen ayaa kasoo jeeda gobolada waqooyi ee Soomaaliya, oo loogu yeero Somaliland isla markaana gooni u goosad ah tan iyo 1991-dii.

Dowladda uu hogaamiyo Farmaajo oo ku guuldareystay in ay qaado talaabooyin dhabaha u xaaraya in dib loo bilaabo wadahadalka Soomaaliya iyo Somaliland ayaa waxaa lagu dhaliilay siyaasadeeda "gurracan" ee maamulkaas.

MUUQAALKA XILDHIBAANKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM