Macalimiin Dugsi Qur’aan oo lagu dilay Shabeellaha Dhexe

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Koox hubeysan, oo aan heebtooda la aqoon ayaa saakay ku dilay 5 Macalin Dugsi Qur'aan Tuulada Burdheera ama Koogaar oo qiyaastii 50-KM u jirta degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Saraakiisha amniga gobolka ayaa sheegay in dableyda rasaas ooda uga qaadeen Macalimiinta xili ay qur'aan saarayeen hooyo xanuunsan kadibna goobta isaga baxsaday, iyadoo labo kamida Macalimiinta ay walaalo ahaayeen.

Magacyada Macalimiinta ayaa lagu kala sheegay Sheekh Daahir Xasan Cali Dheere, Macalin Maxamuud Canbuure, Macalin Maxamed Xuseen Axmed Cadaawe, Macalin Muqtaar Cabdullaahi Cilmi iyo Ow Muxumud Xasan Cali Dheere.

Lama oga cida ka dambeysa dilka argagaxa leh, laakiin waxay mas'uuliyiinta gobolka sheegeen in uu socdo baaritaan, iyadoo wararka kale ay sheegayaan in falka uu la xiriiro aano qabiil, oo degaanada xeebta ku yaalla ka taagnaa mudooyinkii dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo aqbalay ka-qaybgalka madasha wadahadalka qaran ee Muqdisho

Khilaafaad siyaasadeed iyo kuwo dastuur oo sii xoogeysanaya, kana taagan dhismaha dowladnimada iyo hab-maamulka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 12:16PM

Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Macdanta Soomaaliya

Qeybsiga iyo maamulka Khayraadka dalka ayaa ah mid wali aan heshiis lagu ahayn, oo dowladda iyo Maamulada Federaalka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 09:32AM