Macalimiin Dugsi Qur’aan oo lagu dilay Shabeellaha Dhexe

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Koox hubeysan, oo aan heebtooda la aqoon ayaa saakay ku dilay 5 Macalin Dugsi Qur'aan Tuulada Burdheera ama Koogaar oo qiyaastii 50-KM u jirta degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Saraakiisha amniga gobolka ayaa sheegay in dableyda rasaas ooda uga qaadeen Macalimiinta xili ay qur'aan saarayeen hooyo xanuunsan kadibna goobta isaga baxsaday, iyadoo labo kamida Macalimiinta ay walaalo ahaayeen.

Magacyada Macalimiinta ayaa lagu kala sheegay Sheekh Daahir Xasan Cali Dheere, Macalin Maxamuud Canbuure, Macalin Maxamed Xuseen Axmed Cadaawe, Macalin Muqtaar Cabdullaahi Cilmi iyo Ow Muxumud Xasan Cali Dheere.

Lama oga cida ka dambeysa dilka argagaxa leh, laakiin waxay mas'uuliyiinta gobolka sheegeen in uu socdo baaritaan, iyadoo wararka kale ay sheegayaan in falka uu la xiriiro aano qabiil, oo degaanada xeebta ku yaalla ka taagnaa mudooyinkii dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM