Macallin dugsi Qur’aan oo afduub iyo dil loogu gaystay gobolka Hiiraan

Image
Macalinka ayaa dhowr jeer diiday inuu bixiyo lacago baad ah oo ay dalbadeen kooxda AS.

Shaw, Soomaaliya - Warar ka soo baxaya deegaanka Shaw ee Gobolka Hiiraan ayaa xaqiijiyay in kooxda Al-Shabaab ay dileen Macalin dugsi Qur’aan, ka dib markii uu diiday in uu lacag baad ah siiyo kooxda.

AS ayaa maalmo ka hor ka afduubtay Macallin Cabdiqaadir Xasan Ilkacase oo ku sugnaa deegaanka Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, halkaasoo uu ku lahaa dugsi lagu barto Qur'aanka Kariimka.

Ka dib waxay ku wareejiyeen deegaanka Shaw, oo ah deegaan ka tirsan gobolka Hiiraan oo ay gacanta ku hayaan kooxda.

Macalinka ayaa dhowr jeer diiday inuu bixiyo lacago baad ah oo ay dalbadeen kooxda, iyaga oo ku amray inuu yimaado deegaanada ay weli ku sugan yihiin.

Sidoo kale, Macallinka ayaa ka dhago adeygay amarka kooxda, taasoo keentay in ay qafaashaan kadibna dilaan, sida ay wariyeen ehellada macallinka.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM