Madaafiic ku dhacdey nawaaxiga Madaxtooyada Soomaaliya

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Waxyeelo soo gaarey shacab ayaa lagu waramay in ay ka dhasheen hoobiyeyaasha oo ku dhacay dhowr meelood.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ku dhowaad todoba jug qarax oo hoobiyeyaal ah ayaa laga maqlay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. Warar horudhac ah ayaa waxay sheegayaan in ay ku dhaceen agagaarka Madaxtooyadda Qaranka.

Illaa haatan, lama ogga khasaaraha iyo bartilmaameedka. Balse, waxyeelo soo gaarey shacab ayaa lagu waramay in ay ka dhasheen hoobiyeyaasha oo ku dhacay dhowr meelood oo kamid ah caasimada Muqdisho.

Goobaha la xaqiijiyey waxaa kamid ah nawaaxiga Villa Soomaaliya iyo Wasaarada warfaafinta. Laamaha ammaanka ayaa wali wax war ah kasoo saarin falkan. Ma jirto koox wali dusha saaratay mas'uuliyada wallow looga bartay Al-Shabaab.

Dhacdadan ayaa ka dhigan weerarkii todoba oo madaafiic ah oo Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho iyo Dhuusamareeb ka dhacda tan iyo markii maamulka Xasan Sheekh uu xilka qabtey.

June 24, 2023: Todoba madfac ayaa lagu duqeeyay nawaaxiga Madaxtooyadda Soomaaliya; laba dhaawac ah.

Nov 5, 2022: Saddex madfac oo ku dhacay Howlwadaag, Wartanabada iyo Xamarjajab ayaa waxyeelo dhaliyey.

Sept, 25, 2022: Madfac ayaa ku dhacay guryo shacab oo ku yaala degmadda Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho.

June 9, 2022: Todoba madfac oo ku habsadey guryo shacab degmada Wadajir ayaa dilay hal qof; 8-kalana dhaawacay.

Sept 1, 2022: Saddex ayaa ku dhimatay, todoban kale way ku dhaawacmeen hoobiyeyaal ku dhacay guryo rayid Muqdisho.

August 20, 2022: Tobban qof ayaa ku dhaawacantey madaafiic ku dhacdey aagag shacab degmada Xamarwayne ee Muqdisho.

June 17, 2022: Dabley loo maleynayo Al-Shabaab ayaa 10 hoobiye ku dhuftey garoonka Dhuusamareeb.

Weeraradan ayaa kusoo beegmaya xilli guud ahaan Soomaaliya ay ka soconayaa howlgalo ay iska kaashanayaan dowladda, shacabka iyo saaxiibada caalamka kuwaasoo looga soo horjeedo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    17-02-2026

  • 08:54AM

Cirro: “Somaliland Waa Albaabka Mareykanku u Mari Karo La-dagaallanka Shiinaha iyo Argagixisada”

Dhanka kale, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay hodan ku tahay kheyraad macdan oo muhiim ah.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 04:22PM