Madaafiic lagu duqeeyay garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa lagu waramay in ay xalay weerar madaafiic ah ku ekeeyeen garoonka diyaaradaha caasimada dowlad goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb.

Dhowr qof oo kamid ah dadka degaanka kuwaasoo magacyadooda qariyey ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in ay maqleen dareynka illaa shan madfac kuwaasoo dhanka jihada madaarka u dhacay.

Sidda ay muujinayaan warbixinada, ciidamada Itoobiya ee jooga garoonka ayaa dhankooda kaga jawaabay madaafiic kale.

Lama ogga khasaaraha ka dhashay falalka ay ku kaceen dhinacyadda. Balse, waxaa laga cabsi qabaa in ay haleeleen guryo dad shacab ah.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan dhacdooyinkan oo xalay kasoo baxay dhanka mas'uuliyiinta ammaanka maamulka madaxweyne Qoor-qoor kaasoo horey u dafiray weeraro noocaan ah oo garoonka lagu qaadey.

Bartilmaameedsiga garoonka oo soo laab-laabtey ayaa muuqda mid bilow u ah silsilado weeraro oo argagixisada qorsheyneyso maadaama bilooyinkii lasoo dhaafay ay qiyaasitii in ka badan 3 jeer beegsatay.

Falalkaas ayaa yimid xilli Galmudug ay ku dhawaaqdey howlgalo saf-balaaran oo ay dib ugu qabsaneyso degaanada ay cadowgu ka haystaan isla markaana ay tababar u soo xirtay ciidamadii qaadi lahaa gulufkaas culus.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM