​Madaafiic lagu garaacay qaybo kamid ah Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaafiic xoog leh ayaa caawa laga maqlayay qaybo kamid ah magaalada Muqdishu caasumadda Somalia, xilli maalinta barri ah 08 Febreuary 2017 dhici doonto doorashada Madaxweynaha.

Goob joogayaal ku sugan nawaaxiga goobta weeraradu ka dhaceen ayaa GO u sheegay in duqaymo xoog leh laga maqlayay nawaaxiga gaaroonka diyaaradaha Muqdishu.

Wararka weerarkaas ayaa intaas ku daraya in hoobiyaashu ku dhaceen degmooyinka Waaberi, Xamar jajab, Xamar weyne iyo Warta-nabadda.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee hoobiyaasha sababeen, balse arrinta ayaa u muuqata mid lagu khal-khal galinayo amniga Muqdishu maadama doorashadii Madaxweynaha barri la qaban doono.

Majirto cid sheegatay duqaymahaas ka dhacay degmooyin katirsan gobolka Banaadir.

Maamulka gobolka sidoo kale kama hadlin weerarkaas lagu qaaday degmooyin katirsan Muqdishu.

Xaaladda ayaa iminka dagan, waxaana goobaha la weeraray gaaray ciidamo katirsan kuwa dowladda Somalia oo baaritaano kala duwan ka sameeyay.

Dhawaqa hoobiyaasha ayaa laga maqlay guud ahaan xaafadaha Muqdishu iyadoo ay dadka shacabka ah walaac ka muujiyeen xaaladda amni.

Magaalada Caasumadda ah ayaa bandow lagusoo rogay iyadoo la xiray waddooyinka muhiimka ah, waxaa sidoo kale xanibaad la saaray duulimaadyada diyaaradaha Muqdishu Arbacada Barri ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM