Madaafiic lagu garacaay xaafaddo ku dhaw Villa Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Tiro hoobiyeyaal ah ayaa kusoo dhacday xafaado ku dhow dhismaha Madaxtooyadda Soomaaliya ee magaaladda Muqdisho maanta oo Khamiis ah, sida laga soo xigtay illo wareedyo dhanka Booliska iyo dadka degaanka ah.

Inta la hubiyay illaa iyo haatan waxaa weerarkaan madaafiicda loo adeegsaday ku dhaawacantay Lix qof oo shacab ah, kuwaasoo ay ku jireen caruur iyo haween, inkasta oo aanan lasoo warin hadii ay jirto dhimasho uu sababay madfaca.

Goobjooge u waramay warbaahinta maxaliga ah ee Muqdisho ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in dadka dhaawacmay loola caray Isbitaal si xaaladooda caafimaad loola tacaalo, isagoo carabka ku dhuftay inay jireen kuwa ay xaaladooda liidato.

"Niyow xaafado ku yaala agagaarka Madaxtooyadda Soomaaliya, gaara ahaan xaafadaha jira dhanka degmada Wardhigleey waxaa ku habsaday Hoobiyayaal. 6 qof oo Rayid ah ayaa ku dhaawacmay. Dhimasho ma jirto," ayuu yiri Goobjoogaha.

Sarkaal ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online inay ku guda jireen baaris ku saabsan halka laga soo ganay Hoobiyeyaasha, isaga oo carabka ku dhuftay inay soo bandhigi doonan natiijadda baaristooda.

"Dhaawac ayuu khasaaraha ku kooban yahay. Ma hayno wax dhimasho ah. Baaris ayaa ku socota halka laga soo tuuray Madaafiicda, waana soo gudbin doonaa natiijada kasoo baxda," ayuu hadalkiisa kusii daray sarkaalka u waramaay Warsidaha GO.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkaan madaafiicda loo adeegsaday, balse, kooxda xiriirka la leh Shabakadda Al-Qaacida ee fadhigeedu yahay dalka Suuriya ayaa horey u sheegay weeraro noocaan ah oo Madaxtooyadda lagu qaaday.

Amniga Villa Soomaaliya ayaa ah mudooyinkii dambe mid liita, oo ay hareeraheeda ka dhaceen qaraxyo baabuur loo adeegsaday, weerar toos ah iyo hoobiyaal dhowr jeer lagu soo tuurey saddexdii bilood ee lasoo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM