Madaafiic lagu weeraray diyaarad ku dagtay duleedka Baraawe

Image

BARAAWE, Soomaaliya - Faahfaahin dheeraad ah ayaa waxay kasoo baxaysaa tirro Hoobiyeyaal ah oo lagu garaacay degaanka Ambareeso oo ka tirsan magaaladda Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose oo caasimad u ah maamulka Koonfur Galbeed.

Warar is-khilaafsan oo ku aadan duqeynta ayaa kasoo baxay Al-Shabaab, iyo maamulka degmadda Baraawe ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed.

Gudoomiyaha degmadda Baraawe, Xuseen Bare Maxamed oo u waramay warbaahinta ayaa sheegay in Madaafiicda ay ku dhaceen Makhaayad ku taalla tuuladda Ambareeso, islamarkaana ay ku dhinteen Labo qof oo rayid ah, uuna jiro dhaawac.

Dhanka kale, Al-Shabaab oo war qoraal ah kasoo saartay weerarkaan ayaa sheegatay inay ku beegsatay diyaarad Helicopter ah, oo Saanad ciidan u waday ciidanka midowga Afrika ee AMISOM ee ku sugan Baraawe.

Warka Al-Shabaab ayaa intaas lagu daraya inay ku dileen weerarkaan madaafiicda ahaa saddex Askari, kuwaasoo Labo kamid ah yihiin Soomaali, halka mid kale uu yahay Ajnabi AMISOM ka tirsan.

Ma jiraan illo wareedyo madax banaan oo xaqiijinaya khasaaraha duqeynta.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii Markab Saanad u waday ciidamada AMISOM oo taagnaa dekadda Baraawe ay weerareen dabley ka tirsan Al-Shabaab, oo hoobiye-yaal dhowr ah ku tuurey, kuwaasoo aan la ogeyn khasaraha ka dhashay.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka ee ku sugan Baraawe ayaa sahayda loo mariyaa dhanka hawada iyoo badda, kadib markii wadada ka timaada Muqdisho ay go'doomisay Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM