Madaafiic lagu weeraray xarunta AMISOM ee Xalane iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Tiro madaafiic ah ayaa lagu weeraray xerada Xalane, oo fariisin u ah ciidamada AMISOM, kuna yaallaan xaafiiyada UN-ka iyo Saradaado ay kamid tahay mida Mareykanka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa war ay soo saartey ku shaacisay in 7 hoobiye ay ku ridey Xalane, kuwaasoo ay tilmaantay inay dhamaan ku dhaceen gudaha, balse ma aysan sheegin khasaaraha ka dhashay.

Dadka ku nool nawaaxiga Garoonka diyaaradaha ayaa sheegay inay maqleen jugta madaafiicda maanta lagu weeraray saldhiga AMISOM ee Xalane, kaasoo amaankiisa aad loo adkeeyay, maadaama ay ku shaqeeyaan madaxda ugu sareysa UN-ka.

Lama oga halka laga soo tuurey hoobiyeyaasha, iyadoo weerarkan uu imaanaya iyadoo wadooyinka jid-cadiyaasha dhexmara degmada Wadajir lagu gooyey dhagxaan, islamarkaana wadooyinka waaweyn ay fadhiyeen ciidamo boolis ah.

Muqdisho ayaa martigelinaysa weeraro qaraxyo, madaafiic iyo dilal isagu jira mudooyinkii dambe xilli madaxda sare ee dowladda Federaalka ay ku mashquulsan yihiin arrimo siyasaadeed, khilaafyo iyo faragelinta doorashoorinka maamul goboleedyada.

Bishii lasoo dhaafay, labo qarax oo baabuur walxaha qarxa lagu soo xiray loo adeegsaday ayaa ka dhacay afaafka hore ee Aqalka Madxtooyadda, kuwaasoo ay ku dhinteen in ka badan 30 qof, iyadoo tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM