Madasha sanduuqa mideysan ee Soomaaliya oo la daahfuray

Image
Madasha sanduuqa mideysan ee Soomaaliya ayaa loogu tala-galay in lagu taageero horumarka iyo dawlad-dhiska.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qeyb galay daah-furka madasha sanduuqa mideysan ee Soomaaliya (Somalia Joint Fund)

Madasha sanduuqa mideysan ee Soomaaliya ayaa loogu tala-galay in lagu taageero horumarka iyo dawlad-dhiska. Sidoo kale, sanduuqan ayaa xoogga saari doona taageerada siyaasad loo dhan yahay, hirgelinta sharciga, xuquuqal insaanka, wax ka qabashada isbedelka cimilada, horumarka dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Saalax ayaa sheegay in qorshaha Xukuumadda Dan-Qaran iyo ka guud ee Qaranka ay ku salaysan yihiin sidii loo heli lahaa Soomaaliya isku filan oo isku tashata si saaxiibbada beesha caalamku ay ugu gurmadaan meelaha kale ee mudan taageerada.

Ugu danbayn Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa ugu mahad celiyay saaxiibbada beesha caalamka ee qeybta ka ah sanduuqan garab istaaggooda iyo taageerada ay la barbar joogaan shacabka Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM