Madasha Xisbiyadda Qaran oo digniin u dirtay madaxweyne Farmaajo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madasha Xisbiyadda Qaran oo war-saxaafadeed soo saartey ayaa waxay ku dhawaaqdey "mowqifkeeda" ku aadan xukuumadda ku meelgaarka ah dowlada federaalka Soomaaliya.

Ugu horeyn, bayaanka ayaa lagu sheegay in ay soo dhaweynayaan magacaabida guddiga wadajirka ah ee dowladda iyo maamuladda u saareen nooca doorashooyinka soo aadan ee 2020-21.

Warka qoraalka ah oo uu arkay Garowe Online ayaa "sharci darro" ku tilmaamay magacaabida xubnaha Golaha Adeega Garsoorka iyo Hay'adda Batroolka ee xukuumaddu sameysay.

Hanaanka loo maray magacaabida xubnahaan labadaan hay'addood ee masiiriga ah ayay ka dhawaajiyeen in ay baalmarsan tahay dastuurka qabyadda, arrintaas oo ay walaac ka muujiyeen.

"Waxaan uga digeynaa madaxweynaha JFS in uusan kusoo saarin wareegto xubnahaas 5-ta ah ee ka tirsan Golaha Adeega Garsoorka inta laga waafujinayo dastuurka," ayay soo qoreen.

Xukuumadda ku meelgaarka ah ayay hoosta ka xariiqeen in waajibaadkeedu yahay sii-gaarsiinta Golaha Wasiiradda rasmiga ah iyo sii waditaanka shaqooyinka caadiga ah ee dowladda.

Ugu dambeyntii, baarlamaanka ayay ka dalbadeen in uu dabagal ku sameeyo shaqooyinka xukuumadda ku meelgaarka ah kulana xisaabtamaan howlaha ay qabaneyso inta ra'iisul wasaare laga soo magacaabayo.

Hoos ka akhriso bayaanka Madasha

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo Markabka Casriga ah ee Çağrı Bey u soo Diray Soomaaliya

Tallaabadan ayaa waafaqsan aragtida Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ee ah in Turkigu noqdo dal soo saara tamarta uu isticmaalo.

  • Soomaliya

    15-02-2026

  • 06:12PM

Golaha Mustaqbalka oo ku kulmay Muqdisho xilli xaraaradda doorashooyinku kordheyso

Sida ay ilo xog-ogaal ahi sheegayaan, kulankii ka dhacay Hotel Airport Golaha Mustaqbalka…

  • Soomaliya

    14-02-2026

  • 09:05PM