Madax ku lug leh xaalufinta kaluunka Somalia oo la kashifay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warbixin ay daabacday Global Initiative ayaa daaha ka rogtey saraakiisha sarsare ee dowladda Soomaaliya ee ku lugta leh fududeynta kalluumeysiga sharci darrada ah ee xeebta Badweynta Hindiya, taas oo kicin karta duufaanno siyaasadeed oo dalka ka dhaca, oo durba ku jira xilliga doorashooyinka.

Qormada oo cinwaan looga dhigay "Kalluumeysiga sharci darrada ah ee Soomaaliya iyo qabashada hay'adaha dowladda" ayaa kashiftey in wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Cabdullaahi Bidhaan Warsame iyo wasiiru dowlaha maaliyadda, Maxamuud Xayir Ibraahim ay safka hore kaga jiraan ganacsiga sharci darrada ah.

Tani waxay bixineysaa aragti cad oo ku saabsan sida kalluumeysiga sharci-darrada ah ay lacago aad u tiro badan uga sameeyaan mas'uuliyiin sar-sarre oo ka tirsan dowladda federaalka iyo maamuladda.

Sida ku xusan warbixinta, saraakiishan oo xiriir dhow la leh hogaanka sar-sarre ee dowladda waxaana qaarkood ay kaga faa’iideystaan ​​hay’adaha dowladda ee daciifka ah inay jabiyaan sharciyada, mararka qaarna aysan ka warqabin dowlad goboleedyada.

Ma jiro sharci cad oo kalluumeysi oo Soomaaliya ka jira iyo qaacido qeexeysa ee dakhliga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka waxayna inta badan qaataan laaluush ay kaga faa'iideystaan ​​"ganacsatada damiir laawayaasha ah iyo saraakiisha loo igmaday inay shacabka ugu adeegaan".

In kasta oo uu jiro xiriir weyn oo u dhexeeya dowladda federaalka ah iyo maamulada kale ee xubnaha ka ah, maamulka Muqdisho waxaa lala xiriirinayaa in badan oo ka mid ah xasaanada waaxda kalluumeysiga, oo ay kamid tahay ruqsad siinta shirkadaha qaar taasoo ay su'aalo ka keeneen dowlado ay ku jirto Puntland.

Sida uu sheegay ganacsade Soomaaliyeed kaasoo ka shaqeeya waaxda kalluumeysiga, Wasiir Ibraahim ayaa la sheegay inuu ilaalinayo danaha shirkadaha kalluumeysiga ee heer federaal.

Marka laga soo tago bixinta shahaado caafimad, Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ayaa sidoo kale wadda ansixinta iyo sharciyeynta ruqsadaha kalluumeysiga ee ay bixisay Puntland xilligii maamulkii Cabdiweli ee ku aaddanaa dadka tahriibayaasha ah in kastoo tahriibku uu sharci darro ka yahay gudaha Soomaaliya.

Warbixinta ayaa tibaaxdey in shatiga kaluumeysiga uu saxiixay agaasimaha guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda, Mohamoud Sheikh Abdullahi Abdirahman bishii Oktoobar 2020.

Saraakiisha dowladda ee kasoo muuqdey warbixinta ayaan wali ka jawaabin eedaha. Soomaaliya ayaa horay u saxiixday heshiisyo la xiriira kalluumeysiga, iyadoo uu ugu dambeeyay mid ay la gashay Itoobiya.

Xukuumadda Muqdisho ayaa kaliya waxay ogolaatay in la xakameeyo boqolkiiba 30 kalluumeysiga laakiin sharci la’aan cad waxay inta badan horseeday isku dhacyo u dhexeeya dowladda iyo maamuladda.

Hay'adda caalamiga ah ee Global Initiative ayaa soo gabagabeysay warbixinta oo ka kooban 57 bog talooyin dhowr ah oo ay soo jeedisay in haddii loo hogaansamo in Soomaaliya ay dib u soo nooleyn karto waaxdii kalluumeysiga oo hoos-u-dhac weyn uu ka jiro isla markaana dalka awood u siinaya in uu ka maarmo kaalmadda dibadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM

Sayid Macalin Daa'uud oo mar kale lagu xukumay dil toogasho

Maxkamadda Rafcaanka Gobalka Banaadir ayaa go'aankan gaartey Arbacada maanta ah.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:42PM