​Madaxda dalka oo tacsi ka diray geerida Walde

Image

MUQDISHU- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Abshir Yuusuf Waldo.

‘’Innaa Lillahi wa Innaa ileyhi raajicuun. Waxaan qoyska , ehelada iyo shacabka Soomaaliyeed la qeybsanayaa murugada geerida ku timid Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Abshir Yuusuf Walde oo dalkan xilal kala duwan ugu soo adeegay. Waxaan marxuumka ku tilmaami karaa shakhsi dhismihii hay’adaheena dowliga kaalin weyn ka soo qaatey, lana tebi doono doorkiisa’’Ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in marxuumka uu ahaa geesi ka baxay ummadda Somaliyeed, una soo dhabar adaygey xaaladihii adkaa ee waddanka ka jiray, waxuuna Ilaahay uga baryey inuu Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii iyo shacabka uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo

Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha  Xukuumada Federaalka Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa tacsi u diray Qoyskii, Qaraabadii iyo shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Abshir Yuusuf Walde oo ku geeriyooday magaalada Nairobi.

“Anigoo ku hadlaya magaca xukuumada, waxaan halkan tacsi u marinayaa Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka geeriyooday marxuum Maxamed Abshir Yuusuf Walde. iyo dhamaamba shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo intaasi ku daray inuu alle uga baryayo inuu Janada ka waraabiyo.

War saxaafadeed kasoo baxay dhanka Puntland waxaa tacsi taa lamid loogu diray dhammaan ehelkii iyo bulshada Somaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Maxamed Abshir Walde oo xalay ku geeriyooda magalada Nairobi xarunta dalka Kenya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM