Madaxda DF oo ka jawaabin dalabka maamulada oo tegaya Dhuusamareeb

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa lagu waramay in uu gelinka dambe ee Talaadada maanta ah uu u socdaali doono caasimadda maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb.

Wararka ayaa intaas ku daraya in wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ah uu safarkiisa daaran yahay casuumaadii uu ka helay madaxda dowlad goboleedyadda ku shiray magaladaas.

Lama ogga hadii madaxweyne Farmaajo uu maanta wehli doono Khayre, balse illo wareed ayaa xaqiijinaya in maalinta Khamiista ah ee isla todobaadkan uu dhankiisa u dhoofi doono Dhuusamareeb.

Madaxweyneyaasha maamulada oo xarunta gobolka Galgaduud ku kulmay 11-12 bishaan Julaayo ayaa isku raacay in doorashooyinka soo aadan ee 2020-21 aysan noqon mid ku dhacda qaab qof iyo cod ah.

Si looga baaqsado in ay dhacdo muddo kordhin, waxay soo jeediyeen in heshiis mideysan laga gaaro hanaanka loo marayo, nooca doorasho ee qabsoomi karta iyo in ay mudada hartay ku dhacdo.

Qodobada kale ee shirkooda kasoo baxay waxaa kamid ahaa; in a casuumeen madaxweyne Farmaajo iyo ra'iisul wasaare Khayre si is-afgarad looga gaaro qaabka farsamo iyo nooca doorashada.

Balse ma aysan muddeynin shirkaas wadatashiga ah oo la filayo in marka ay Farmaajo iyo Khayre ka degaan magaalada Dhuusamareeb laga heshiin doono, sidda ay tibaaxayaan warbixino horudhac ah.

Madaxtooyadda iyo xafiiska ra'iisul wasaaraha ayaanan si furan uga jawaabin dalabkaas. Balse, waxay wararku sheegayaan in ay aqbaleen ayna ka qeybgalayaan wadahadalkaas.

Aqbalaada martiqaadka maamuladda ayaa waxay saacadihii lasoo dhaafay ahaayeen baaqyadda dhinacyada siyaasadda u jeedinayeen madaxda sare ee wadanka si dalka uu uga gudbo mar-xalada kala guurka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM