Madaxda DFS oo si fiican u ciiday xilli shacabka jidadka laga xiray [SAWIRRO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxda sare ee dowladda Faderaalka Soomaaliya, ayaa maanta si wadajir ah Salaaddii Ciidul-Fidriga ugu tukadey Masjidka Isbaheysiga, oo ku yaalla nawaaxiga Villa Soomaaliya.

Ra'iisul Wasaare Khayre, qaar kamid ah Gollahiisa Wasiiradda, xubno katirsan labada gollee ee Baarlamaanka, Taliye-yaal Ciidan iyo mas'uuliyiin kale ayaa shacab aan badneyn kula tukaday Madaxweyne Farmaajo Masjidkan, oo amnigiisa si si weyn loo adkeeyay.

Salaadda kadib Farmaajo, ayaa jeediyay khudbad oo arrimo dhowr ah uga hadlay, isagoo marka hore shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan u diray Hambalyada Ciidul Fitriga.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay shacabka magaalada dulqaadka ay sameeyeen intii lagu jiray bisha barakeysan ee Ramadaan xilligaasi oo isku socodka Caasimadda ahaa mid aad u adag, islamarkaana la xiray inta badan wadooyinka.

Shacabka Muqdisho ayaa maanta ciidoodu ahayd mid aan farxad badan laga dareemeynin, kadib markii wadooyinka Caasimadda oo idil la xiray, iyadoo wadooyinka lagu arkayay dadweyne kala duwan oo cagtooda maalaya, si ay u gaaraan meelaha ay doonayaan.

Ciidamo cusub ayaa lagu soo daadiyay jidadka kuwaasoo mamnuucay isticmaalka gaadiidka dadweynaha, waxayna ku amrayeen shacabka, oo ay ku jireen dad da' ah, caruur iyo kuwa kale oo xanuunsan inay lugaayaan.

Ciid Mubaarak.!

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM